Xeel-dheerayaal Faalleeyey Saxeexa Donald Trump Iyo Shakhsiyaddiisa Ay Kala Soo Baxeen

0
774

1Washington (Geeska)- Far-qoraalka iyo saxeexu waxa ay ka mid yihiin curiyeyaasha ugu muhiimsan ee shakhsiyadda qofka, dadka ku takhasusay akhriska macnaha uu bixinayo qaab-qoraalka fartuna waxa ay inta badan farta qofka ama saxeexiisa ka dhex daalacdaa shakhsiyaddiisa runta ah. Donald Trump oo xilka loo doortay saxeexiisa ka dhigayo saxeexa ugu awoodda badan dunida ayaa maalimihii u dambeeyey bar-kulannada bulshada ee internet ka ee dalka Maraykanka waxaa ka socday doodo iyo murano kala duwan oo la xidhiidha saxeexa madaxweynaha la doortay Donald Trump. Arrintan oo xiisaheedu sii batay markii warbaahinta Maraykanka iyo Yurub ay aad uga sheekeeyeen, ayaa aakhirkii xeeldheerayaasha cilminafsiga iyo akhriska farta ku dhiirrisay in ay oo saxeexu ka mid yahay meelaha ay ka eegaan saadaalinta nooca shakhsiyadeed ee qofka aan hore loo aqoon, ku dhiirrisay in ay daraaseeyaan saxeexan, si ay wax uga fahmaan shakhsiyadda qarsoon ee Donald Trump. Natiijada ay xeeldheerayaashan qaarkood bilowgiiba heleenna ay noqotay mid muujinaysa in shakhsiyadda saxeexan lihi ay tahay shakhsiyad himilo badan, oo geesi ah laakiin madaxnimo jacaylku ku badan yahay.

Tracey Trussell oo ka mid ah xeeldheerayaasha lafa-gura macnaha ku duugan far-qoraalka qofka iyo saxeexiisa, kana tirsan maxadka far-akhriska ee British Institute ayaa shaaca ka qaaday in far-qoraalka dhumucda weyn, iyo joogga toosan in yarna dhina u baydhsan iyo weliba xaglaha kor iyo hoosba u noqda ee ka muuqda saxeexa Trump ay ina tusayaan xogo badan oo la xidhiidha waxyaabaha u gaarka ah shakhsiyadda Trump. Tracey Trussell oo sii faahfaahinaysa arrintan ayaa intaas ku dartay, “Saxeexa madaxweynaha la doortay ee Maraykanku, waxa uu u taagan yahay, shakhsi si himiladiisa ku dhegge, geesiya oo aan cabsida aqoon, isla markaana ah ruux madaxnimo u harraadan, oo ay ku kulmeen hal-adayg iyo madax-adayg”

Wargeyska The Independent ayaa warkan uu Geeska Afrika soo turjumayo waxa uu haweenayda lagu magacaabo Tracey Trussell ka soo xigtay in iyada oo sii wadda tilmaamaha shakhsiyadda Trump ee laga dheehan karo saxeexiisa ay tidhi, “Aad uguma badna dabeecadda ah in uu talada qaato oo dadka kale dhegeysto, laakiin haddana waa ruux ku fiican inta badana ku gacan-sarreeya dhinaca wada xaajoodka, sidoo kale waa ruux go’aan leh oo dhiirran, arrinka uu gelayana si toos ah u abbaara”

Falanqayntan ay xeeldheeraha u dhashay Ingiriisku ku samaysay shakhsiyadda Trump iyada oo ka dheeganaysa saxeexiisa, waxaa iyaguna waafaqay dad badan oo Trump aqoon u leh iyo xeeldheerayaal arrimahan ku takhasusay oo dalal badan oo duninda ah ka soo jeeda. Waxaa ka mid ah Michelle Dresbold oo sheegay in xarafka P in kasta oo uu magaca Trump ee saxeexa ka muuqda ka mid yahay, haddana in qofku xarafkan saxeexiisa ku soo gabagabeeyaa waxa ay muujisaa in uu yahay ruux qabka ninnimadu ku badan yahay oo warkiisa iyo arrinkiisuba ‘Aniga, Aniga’ ku bilowdo. Taas oo macnaheedu yahay in uu jecel yahay in wax kasta uu isagu ku horreeyo.

Michelle Dresbold waxa kale oo uu sheegay in xodnaanta yar ee ku jirta lugta kor u taagan ee xarfaha saxeexan ka muuqda iyo xaglaha kor iyo hoosba isu weydaaranayaa ay muujinaysaan cadho badan, calool-adayg, cabsi, tartan iyo loollan jeclaan iyo calool dabac la’aan.

Laakiin haddana Tracey Trussell oo sida aynu soo aragnay shakhsiyad madax adag ku tilmaamtay Trump waxa ay hoosta ka xariiqday in marka loo fiirsado saxeexiisa uu shaki badani gelayo in uu sidaas yahay, waayo xuruufta tirada bada ee aadka u dheereeyey saxeexa samirka uu u yeeshay ayaa tilmaan u noqon kara in uu aanu u madax adkayn sida la moodayo, oo ugu yaraan meelaha qaar dabac kaga jiro.