Laba Kalmadood Oo Sabab U Noqday In Facebook Uu Khasaaro 2 Bilyan Iyo Badh Doolarka Maraykanka Ah

1
707

Washington (Geeska)- Laba kelmadood ayaa sabab u noqday in shirkadda weyn ee Facebook ay gasho khasaare u dhigma 2.5 Bilyan oo doolarka Maraykaka. Sida lagu xusay degelka interet ka ee Forbes.

Qiimaha saamiyada shirkadda Facebook ayaa si kedis ah boqolkiiba 8 hoos u dhacay, kadib markii war-murtiyeed khamiistii toddobaadkii hore ka horreysay ka soo baxay xafiiska aasaasaha shirkadda Mark Zuckerberg oo isla markaana ah agaasimaha fulinta ee shirkadda lagu arkay laba kelmadood oo walaac badan ku abuuray saamileyda iyo dadka saamiyada iibsada oo ka shakiyey sida uu noqon doono mustaqbalka faa’ido ee shirkaddu.

War-murtiyeedkan ka soo baxay maamulka Facebook ayaa lagu shieegay suurtogalnimada in ‘hoos-u-dhac’ uu mustaqbalka ku yimaaddo faa’idada shirkaddu ay ka hesho xayeysiisyada ay boggeeda ku baahisay, waxa aanay hoosta ka xariiqday in shirkaddu ay diyaar u tahay in ay maalgashi xoogga samayso. Arintani waxa ay aad uga cadhaysiisay saamileyda shirkadda oo ay ku dhalisay in qaar badan oo ka mid ahi ay saamiyadooda dib u iibiyaan.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa markii dambe muuqatay in hoos-u-dhaca ku yimid faa’idada shirkaddan iska leh, bar-kulanka bulsho ee internet ka ee ugu wayn adduunka ayaa salaasadii toddobaadkii hore ee ka dambaysay khamiistaas hoos-u-dhaca, lagu arkay kor-u-kac kedis ah, oo gaadhay illaa heer boqolkiiba 56 ah, kaas oo u dhigma in 7.01 Bilyan oo Doolar ay faa’idayso, halka uu isla waqtiyadan oo kale oo sannadkii hore ah ka ahaa 4.5 Bilyan oo keliya.

 

Comments are closed.