Xasan Ciise Jaamac Oo Si Adag U Cambaareeyay Xayiraada Wargeyska Hubaal

0
570

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa si adag u cambaareeyay xayiraadda ay xukuumadda Somaliland saartay Wargeyska Hubaal oo ka mid ah wargeysyada ka soo baxa caasimadda Hargeysa.

 

Mujaahid Xasan Ciise, waxa kale oo uu wax foolxun ku tilmaamay qaabkii ay ciidamada Boolisku ugu dhaceen guriga Cismaan Awr Liqe. Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray wuxuu Xasan Ciise Jaamac ku yidhi sidan: “Waxa imika isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeyska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyeen talaabooyin distoorska, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.

Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor een hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeysa iyo zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.

Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u adeegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lid ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.

Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii laxejeclo ka qabta walaalnimada reer Somaliland iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacdiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.”