Xukuumadda Oo Albaabada U Xidhay Wargeyska Hubaal Iyo Madaxda Jariiradaas Oo Ka Hadlay Godka Ay Dareensanyihin In Laga Qaniinay

1
558

Picture5Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Maroodji-jeex ayaa xayiraad ku soo rogtay Wargeyska Hubaal, oo ka mid ah wargeysyada madaxabanaan ee ka soo baxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex garsoore Faysal Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa soo saaray qaraar uu ku amray xayiraadda Wargeyska Hubaal, ka dib markii sida uu sheegay uu xeer ilaaliyaha guud soo codsaday in la xayiro soo saarista jariiradaas. Sidoo kale maxkamadda gobalka Maroodijeex waxa ay madbacadaha dalka ku amartay inaanay daabici karin jariiradaas ilaa amar dambe, isagoo ugu hanjabay in sharciga lala tiigsan doono cidda daabacadiisa lagu qabto.

Maxkamaddu ma cadayn sababta ay dawladda Somaliland u xayirtay jariiradaas iyo warka lagu haysto, madaxda Wargeyska Hubaalna waxay sheegeen inaan lagu soo wargelin wax dacwad ah oo loo haysto oo maxkamadda ka taala. Waxay masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo kala ah guddoomiyaha Wargeyska Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab), Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ah maareeyaha Wargeyska iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keef-keef) oo ah tifaftiraha wargeyska, oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay in wargeyska lagu haysto warbixino uu ka qoray khilaafka webiga Niilka ee Itoobiya iyo Suudaan, waxaanay dawladda u soo jeediyeen inay cadayso mawqifkeeda webiga Niilka oo ay Itoobiya is barbar taagto. Guddoomiye Wayab, wuxuu sheegay in qaabka loo maray xayiraadda wargeyska Hubaal ay tahay sharci darro, isagoo sheegay inay isku milmeen dhadhaarada fulinta, xeer dejinta iyo garsoorka dalku.

Guddoomiye Cabdillaahi-Wayab oo u waramay BBC-Somali ayaa si adag uga hadlay falkan oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu Mr. Wayab sheegay inay dareensanyihiin in laga raacay wararka ay ka qorayeen webiga Niilka.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku caan baxday hagar daamaynta saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland, waxaana sida ku cad warbixinta SOLJA ee sannadka 2012 ay noqotay xukuumadii xidhay amaba dibin daabyaysay saxaafadii ugu tirada badnayd marka la barbar dhigo dawladihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland. Sidoo kale waxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo noqotay xukuumadii u horaysay ee albaabada u xidhay wargeys ka soo baxa caasimadda dalka.

Comments are closed.