Hargeysa (Geeska) – Jaamacadda Hargeysa, ayaa shalay qabatay kulan lagaga dooday Masiibada Tahriibka ee xadhkaha goosatay iyo sida ugu haboon ee lagaga hor-tagi karo.
Kulankan dooda ah oo uu soo qaban-qaabiyey Machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, xildhibaano, Maamulka Machadka xalinta khilaafaadka Jaamacadda Hargeysa, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Gaas iyo arday ka kala socotay kuliyaddaha kala duwan ee jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa si weyn loogaga dooday aafadaha Tahriibka, waxaana doodaasi qodob qodob loogu eegay saddex Su’aalood oo machadku u soo bandhigay dadkii kulanka loo qabtay, kuwaasi oo kala ahaa “Maxaa sababay Tahriibka, Saamayn intee leeg ayuu ku yeeshay dalka iyo sidee xal loogu heli karaa”
Hormoodka Machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa Aaden Xaaji Cali Axmed, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tahriibku dhaafay sidii uu hore ahaa ee qofku si shakshi ah u dalandooli jiray, balse hadda ay dilaaceen kooxo si caddaan ah uga shaqeysta Tahriibinta dadka reer Somaliland, siiba dhalinyarada “Waa Inaynu ogaano in xaaladdu ka gudubtay dadkii Tahriibi jiray, qofkii inta uu niyad-jabo iskii u Tahriibi jiray way ka gudubtay, waxaana Somaliland fadhiya isku xidh (Network) la mid ah kii Jiif oo Jaq ee intaasi oo sanadood lacagta inaga urursanayey” ayuu yidhi waxaanu soo jeediyay tallooyinkan “Sida aynu uga jawaabi karnana waxa ka mid ah in loo sameeyo ciidan gaar ah, waayo hal qarax oo 20 qof ku dhiman karaan ayaynu intaasi oo ciidan ah u samaysanay, maalin walba 500 qof ayaa inaga dhinta, Markaa ciidamadeena habeenkii shaqeeya waa in lagu daraa unugyo gaar ah oo la dagaalama Tahriibinta dadka, cagtana mariyaa (Kooxaha dadka Tahriibiya), shaqo la’aantuna ha inoo joogto oo waxbaynu ka qaban doonaa, ee horta aynu la dagaalano isku xidhkan dadkeena guranaya. Waa inaynu samayno wacyi-galin balaadhan oo aynu arintan si qaran uga jawaabnaa, waayo arintani guri walba way gashay”
Aaden Xaaji Cali, waxa uu sheegay in jaamacaddu ugu tallo-gashay in doodan loogaga hadlo si ka duwan sida shacabka caadiga ahi uga hadlaan “Jaamacadda Hargeysa-na waxay ugu tallo-gashay in arintan loo eego si ka duwan sida loo hadal hayo ee ah shaqo la’aanbaa jirta, waana inaynu ku baraarugsanaano in arintani ay tahay masiibo qaran, haddii aynaan maanta wax ka qabana ay mustaqbalka dhow, ka bari iyo ka maantaba ay khatar ina galinayso”ayuu yidhi.
Wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dooday in dadka Tahriibaya aanay ahayn kuwo dani dalkooda ka eryayso “Tahriibka hala joojiyo waxba ku joogsan maayaan ilaa xaqiiqda loo gudbo, marka labaad waxaanu aaminsanayn in dadka Tahriibayaa ay yihiin dad dhaqaale la’aani iyo shaqo la’aani hayso, laakiin waxa xaqiiq noqotay in dadka Tahriibayaa aanay ahayn dadka danyarta ah ama shaqo la’aantu hayso, waxaana la xaqiijiyey in dadka Tahriibaya ay yihiin dad hantiilayaal ah oo wax haysta oo ay ka mid yihiin dadkii baayacmushtarka ahaa sida qaar tukaano haystay, sariflayaal iyo kuwo Super-marketyada Magaalada haystay, hay’addaha caalamiga ah ee inala jooga waxa la hayaa dad ka shaqeyn jiray oo Tahriibay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaad arkaysaa in dalkii laga sii socdo, haddii dalku faaruq noqdo yaa dalka looga tagayaa, sow dalka dad kale oo ajaanib ahi qabsan maayaan, ilayn Oromada Itoobiya ayaa dad inoogu xiga oo waa kuwaa ina soo galayee, haddii dalka ay ka baxaan dhalinyarada iyo dadka aqoonta lihi waala qabsanayaa, markaa arinkani (Tahriibka) maaha arin wasaarad, dawlad ama cid gaar ah lagu eegayo maaha ee waa arin aafo ah oo u baaha in dadka oo dhami ay dagaal ku wada qaadaan, umana baahna in cid gaar ah lagu canaanto, waxaan la yaabaa dadka Tv-yada ka yidhaahda maxay Wasaaraddaha dhalinyarada iyo shaqadu wax uga qaban waayeen aafada Tahriibka, kuwaasi wayna fahmin, laakiin arinkani waa mid u baahan in laga wada tashado oo aynu nidhaahno sidaynu wax uga qabanaa, markaa anigu waxaan ku talin lahaa inay arinkaa Tahriibka ay ka wada hawl-gallaan xukuumadda, ciidamada amaanka, Jaamacaddaha, Waalidka iyo ururrada bulshada”
Kulankan oo uu furitaankiisii ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Agaasimaha Dallada SONSAF Maxamed Barawaani, waxaanu sheegay in Tahriibka dhalinyarada ay qayb ka tahay hanaanka Tacliinta Somaliland oo aan qofka dhalinyarada ah waxba ka bedalayn “Tahriibka waxa qayb ka ah nidaamkeena waxbarasho oo ahayd inuu isbadal ku sameeyo qofka, markaa haddii aanu qofka isbadal ku dhicin waxyaabo badanbaa ku suurtooba”ayuu yidhi.
Xildhibaan Aareeye, oo ka mid ahaa xildhibaano doodaasi ka qayb-qaatay isla-markaana soo jeediyay tallooyin wax ka tari kara joojinta aafada tahriibka dhalinyarada Somaliland, ayaa yidhi “Sabankan tahriibaa galay nolosheenii, maxaa ugu wacan, marbaa jirta dadku ay ka moral-jabaan maamulkooda, dadka haddii aanay gaajo gaynayn oo aabihii iyo hooyadii dirayaan waa maxay sababtu, ma Caddaalad daro ayaa jirta, ma maamul xumo ayaa jirta, maxaa moral jabiyey, ma nidaamka jira ayuu diidan yahay, waxbaa jiree waxa jira hala darso”
Ardayda iyo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee doodaasi ka qayb-galay ayaa si mugle uga dooday dhibaatada Tahriibku ku hayso dalka iyo mushaakilaadka mustaqbalka ka dhalan kara haddii aan waxba laga qabanin.