Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay (Q:11)

0
640

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Kow iyo Tobnaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka U:

Waa xaraf raaxo jecel, dadkana kalgacal u haya. Si fudud ayaa uu naftiisa u sheegi karaa, waanu isu dheelitiran yahay, xidhiidh fiican ayaa uu dadka kale la sameeyaa in kasta oo lagu yaqaanno waxoogaa danayn la’aan ah, waa qof inta badan iska faraxsan. Ceebtiisa ugu weynina waa in uu ku liito go’aan qaadashada, waxaana ku badan murugada iyo walaaca.

Xarafka W:

Xarafka W waa qof leh dabeecad sida mawjadaha ah. Noloshiisu waa mid aad isu bed-beddesha kor iyo hoos dhan kastaba ha u kacdo ee. waxa uu leeyahay awood iyo karti maskaxeed. Ruuxa magaciisu W ka kacay waa aftahan hibo u leh in uu dadka qanciyo qalbigoodana kasbado.  Waa ruux is-beddel jecel, noloshana raaxo ka raadiya.

Waa ruux ay adag tahay in laga adkaado ama la maamulaa. Xeeldheerihii cilmifalagga ee aynu qoraalkeeda soo xiganaynay oo la hadlaysa ruuxa magaciisu ku bilowdo xarafka W waxa ay tidhi, “Waxa aad tahay ruux naftiisa si buuxda ugu kalsoon oo shakigu ku yar yahay, ma u dulqaadatid mana ogolaatid gefka gelitaankiisa”

Arrinta xiisaha leh ee ay khubarada qaarkood ka sheegeen in uu ruuxani dabeecad iyo hibo u leeyahay ayaa ah in uu yahay qof awood u leh wax isku xidhidda ah, oo maskaxdiisu ay u tababaran tahay in ay isku xidhiidhiso afkaarta iyo in ay si qoto dheeru  xallilto. Waxa uu aad ugu fiican yahay isgaadhsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaanba dunida macluumaadka.