Cabbista Biyaha Kululi Waxa Ay Ka Qayb Qaataan Dhimista Miisaanka

0
552

Picture1Washington (Geeska)- Biyuhu waxa ay ku tisan yihiin curiyeyaasha dabiiciga ah ee ugu muhiimsan qoynta jidhka, gaar ahaan marka uu qofku cabbo biyo ku filan, sababtuna waa unugyo jidhka ku jira oo mar kasta u baahan biyo si ay u nuugaan curiyeyaasha cunto iyo si ay qashin qub u sameeyaan, waxaana qof ku waajib ah in uu maalintii cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah si uu u ilaashado qoyaanka jidhka ee muhiimka ah.

Biyuhu labada kelyood waxa ay ka caawiyaan qashin qubka iyo in ay suntan ka saaraan jidhka, waxa aanay lagama maarmaan u yihiin dhammaan shaqooyinka kiimikaad iyo cunto shiidista ee jidhka, laakiin su’aashu waxa ay tahay biyaha kululi saamayn ka myeelan karaan dhimista miisaanka?

Cilmibaadhis sannadkii 2008dii lagu faafiyey majaladda nafaqada cuntada oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in koox dad waaweyn oo miisaankoodu saayid yahay ahayd ay xeeldheerayaal caafimaad ku sameeyeen tijaabo ah in maalin kasta ay cabbaan koob biyo diirran ah, ka hor inta aanay quraacda cunin, waxaana u soo baxday natiijo ahin biyaha kululi ay caawiyaan in boqolkiiba 13 ay hoos u dhacdo heer Kalooriga (Calories) ee jidhka ku jiraa, waana sababta ta keenaysa in miisaanku hoos u dhaco, marka muddo la wado cabbista biyaha kulul