“Ficiladii Uu Kulmiye Ku Kici Jiray Ku Kici Mayno”

0
455

unnamed-2

Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in Xukuumadda laga rabay inay xal keento, balse aan laga rabin inay cudud iyo ciidan adeegsato, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu ka baxday heshiiskii ay la gashay Mucaaradka, waxaanu sheegay in aanay Xisbiyada Mucaaradku aanay ku kici doonin ficiladii Xisbiga Kulmiye ku kici jiray wakhtigii uu Mucaaradka ahaa.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddu ha joojiso cago juglaynta iyo cabudhinta ay ku hayso Xisbiyada, Xukuumadda iyada ayaa markii hore laga rabay inay xal keento, waxa ay hore u tidhi gogol ayaa fidinayaa, oo aan Xisbiyada u fidinayaa, waa la heshiiyey, gogosha ay Xukuumaddu u fidisay Xisbiyada waxa ay la mid noqotay gogoshii ay hore ugu fidisay Gobolada Barri, ee hawada noqotay, waxaana muuqata inay Xukuumaddu u dhaqanto sidii keligii talisnimada, waxaana tusaale ah sida loogu hanjabayo Hoteeladii, dhoola tuska lagu bixinayo Ciidaamada, Nabadgeliyo darada  ay Xukuumaddu ku eedaynayso Xisbiyada Mucaaradkana iyada ayaa kow ka ah, ee waxa ay ahayd inay Xukuumaddu ka run sheegto gogoshii ay fidisay, balse Xukuumaddu inay cudud iyo ciidan Xisbiyada Mucaaradka u  adeegsato lagama rabin ee inay xal keento ayaa laga rabay”. Xoghaye ku xigeenka XIsbiga Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Shantii Sanno ee ay Xukuumaddani xilka haysay ayaa yidhi “Shantii Sanno ee Xukuumaddan la doortay wey dhamaatay, Madaxweynaha Shantii Sanno ee sharciga ahayd ee la doortay wey dhammaatay, in muddo lagu heshiiyey oo heshiis lagu kala hayey inuu Madaxweynuhu ku joogo ayey ahayd, balse xoog iyo jujoob looma baahna, ficilada uu Kulmiye samayn jiray markii uu Mucaaradka ahaa waa la garnayaa, ficiladaas iyo ficilo u dhaw toona anagu samayn mayno, oo ficiladii uu kulmiye ku kici jiray ku kici mayno, balse waxaanu leenahay wixii aynu ku heshiinay ha la fuliyo. Dhanka kale Guurtida ayaa laga rabay xalka iyo inay khilaafka dhamayso, balse iyada ayaa qeyb ka noqotay, oo Murankii ayey ku dhex jirtaa, oo mar walba baalmarsan wixii lagu heshiiyey, waxan ay leedahay waa Dastuurina Dastuurku Kitaab Quraan ah maaha, waxaana laga wada dharagsan yahay in Beesha Caalamku ay meel adag iska taagtay muddo kordihntan iyo dib u dhaca Doorashada”. Xoghaye ku xigeenka XIsbiga Waddani ayaa mar uu jawaab ka bixiyey hadaladii dhawaan ka soo yeedhay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex waxa uu yidhi “Hadalkii ka soo yeedhay Badhasaabka Maroodi-jeex Jaana Yare, ee ahaa Xisbiyada Mucaaradka Guriyaha ayaanu ugu dhici doonaa hadal masuul muu ahayn, hadalkaasna uu ka dhacay, aad iyo aadna waan ugu xumahay in Nin Masuul ahi hadalkaas oo kale uu ku hadlo”.