Xaqiiqooyin Aanad Ka Aqoon Farsamada Bluetooth Ka Iyo Halka Uu Asal Ahaan Magaciisu Ka Soo Jeedo

0
508

Picture9Washington (Geeska)- Bluetooth waxa uu ka mid yahay farsamooyinka casriga ah ee talefannada gacanta lagu qaato iyo qaar badan oo ka mid ah qalabka tiknoolajiyadda ee kombiyuutarka ah ama sidiisa u shaqeeyaa ay ku xidhiidhaan iyaga oo aan isu marayn wax xadhig ah oo isugu tallaalan. Bluetooth waxa uu sida ugu badan u anfacaa Kombiyuutarka gacanta (Laptop) iyo talefannada gacanta waxa aanu u suurtogeliyaa in ay ka xidhiidhi karaan masaafad aan ka badnayn 10 Mitir.

Waa hubaal in dadka aaladahan isitcmaalaa uu yaqaanno xogtaas aynu Bluetooth ka sheegayno, laakiin Geeska Afrika waxa uu akhristayaasha la wadaagayaa macluumaad intaas ka badan oo uu soo ururiyey, waxa aanay kala yihiin:

1. Magaca Bluetooth oo ka kooban laba erey oo macnahoodu noqonayo Badhamkii buluugga ahaa waxa uu ahaa magaca loo yaqaannay boqorkii dalka Denmark ee lagu magacaabi jiray Harald Blatand, boqorkani xilligiisii waxa uu mideeyey dalalka Norway iyo Denmark, kelmadda Bluetooth waxa ay ahayd macnaha magaciisa marka af Ingiriisi loo turjumo.

2. Adeegga Bluetooth waxaa markii ugu horreysay oo ahayd sannadkii 1994kii ikhtiraacay shirkadda isgaadhsiinta ee Sven Matisson and Jaap Haartsen oo laga leeyahay dalka Sweden.

3. Bluetooth in kasta oo uu ku bilaabmay keliya in uu dadka u fududeeyo in ay talefannadooda gacanta ama kombiyuutarradooda io aaladaha la mid ah wax isugu diraan iyaga oo aan xadhig isugu xidhayn, haddana muddadaas gaaban ee uu jiray marba marka ka dambaysa waa la sii casriyeynayey waxaana la sii fiicnaynayey adeegga uu qabanay, illaa uu hadda marayo heer uu qofku awood u yeelanayo in uu gaadhigiisa cusub ee Automatic ah uu kula xidhiidho talefankiisa gacanta isaga oo u maraya ama adeegsanaya Bluetoodh.

4. Bluetooth maanta waa adeeg ay cisbitaallada waaweyn ee casriga ahi u adeegsadaan qalabkooda caafimaadka si uu ugu fududeeyo la socoshada xaaladda bukaanka.

5. Waxaa jira qalab ay kombiyuutarro ka mid yihiin oo adeegga Bluetooth u sahlayo in ay xidhiidhaan mishiinka daabacista, iyada oo aan wax xadhig ah la adeegsanayna uu kombiyuutarka ama qalabka kalaba ay Bluetooth mishiinka daabacista ugu dirayaan hadba wixii qofku u baahan yahay in uu daabaco, sidaasna uu mishiinka daabacistu ku daabaco, sidoo kale talefannada gacanta, iyo qalabka kale ee la mid ah ayaa Bluetooth u adeegsan kara in ay kula xidhiidhaan mishiinka daabicista. Habkani waxa uu adeegsanayaa mishiinno daabiciseed oo loogu tala galay lagun soo sameeyey adeegga Bluetooth.

6. Qalabka leh adeegga Bluetooth waxa uu awoodaa in lix qalab oo Bluetooth leh uu mar keliya la wada xidhiidho iyada oo aanay weliba mawdajaha uu marayaa is dhexgalayn ama mushkilado iyo is-jiidhis samaynayn.