Jacaylku Uma Fiicna Ardayda, Barayaasha Jaamacadaha Iyo Guud Ahaanba Aqoonyahanka

0
658

London (Geeska)- Cilmibaadhis ay sannadkii 2006dii ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan Jaamacadda London ee dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in dadka uu jacaylku indho la’aan ku keeno oo keliya, balse sidoo kale waxa uu ka dhigaa damiin aanay maskaxdiisu awoodin in ay si togan u fikirto waxna u fikirto.

Tijaabooyin ay khubaradu samaysay ayaa ay ku ogaadeen in marka qofka uu jacaylku ku dhaco in maskaxda qaybteeda ka masuulka ah caadifadda, xiisaha, kalgacalka iyo u boholyowgu uu si aad u firfircoon ay u shaqayso, halka qaybaha kale ee maskaxda ee ka masuulka ah fikirka, is-xakamaynta iyo fiiro-dheeridu ay fadhiid noqdaan oo firfircooni badan aanay yeelan, taasina ay keenayso in qofka uu jacaylku ku dhacaa uu noqdo mid caajis badan, aanay maskaxdiisu curin iyo fikir badan yeelan isla markaana aan xiisayn wax aan ahayn ka hadalka arrimaha kalgacalka khuseeya.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu soo bandhigay, Shirkii midowga Yurub ee Cilmiga neefayaasha iyo raad-raaca xaaladaha caadifadda maskaxda la xidhiidha, in jacaylku uu sidoo kale uu qofka ku keeno khalkhal dhinaca  caloosha ah. Ugu dambayntii khubaradu waxa ay sheegeen in jacaylku maadaama oo uu firfircoonida ka qaadayo qaybo maskaxda ka mid ah, taasna ay ka dhalanayso fikirka iyo garashada qofka oo si muuqata hoos ugu dhacda in sida ugu fiicani ay tahay in aanu jacaylku ku dhicin ardayda, macallimiinta guud ahaan iyo kuwa Jaamacadaha si gaar ah iyo aqoonyahanka oo dhan, si aanu jacaylku caqabad ugu noqon fikirkii, fahamkii iyo garashadii looga baahnaa.