“Muddo Sannad Iyo Dheeraad Ah, Ayaanu Ka Qaylinaynay Doorashada. Eedda Dib-U-Dhaca Madaxweynaha Iyo Xukuumaddiisa Ayaa Iska Leh”

0
603

Picture7Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in aanay jirin Xukuumad soo marta Somaliland oo Xukuumadda Siilaanyo uga waxyeelo badan shacabka Somaliland, waxaana uu sheegay in mudadii Shanta sanno ahayd ee ay talada dalka hayeen ay Xukuumadda Siilaanyo ku beertay Musuq-maasuq, Qabyaalad iyo sida oo kale Colaado, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin raadad aan waligoodna waxyeeladoodu marnaba ka baa ba’ayn mujtamaca Somaliland, isaga oo dhanka kalena tilmaamay in Somaliland ay mudadaas gashay go’doon Diblomaasyadeed oo ay ku weyday saaxiibo badan oo ay dunida ku lahayd.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in Xukuumadda Siilaanyo ay waxyeelo badan soo gaadhsiisay mudaddii ay xilka haysay, isaga oo sida oo kalena ugu horeyn ka hadlay dib-u-dhacii ku yimi Doorashooyinka Somaliland, iyada oo uu mas’uuliyada dib-u-dhacaasna uu dusha u saaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxa kale oo uu go’aan sharci isla mar ahaantaana ah heshiis qaran uu ku tilmaamay heshiiskii ay Xisbiyada iyo Xukuumadduba ka gaadheen khilaafkii Doorashooyinka,  waxaana uu carabka ku adkeeyey in Golaha Guurtidu aanu sifo sharci ah u haysanin in ay ka so horjeestaan go’aankaas.

"Marka hore, waxa weeye, dib-u-dhaca doorashada caad ma' saarna, waxaa ka danbeysa xukuumadda. Laba sababood ayaan soo qaadanayaa, marka hore weeyaan ee' waa waajibka madaxweynaha Doorashadu in ay xiligeedii ku qabsoonto, waa waajib Distoori ah, haddii uu fulin waayo macnaheedu waxa weeye waajibkeedii Distooriga ahaa ayuu ka baaqday oo Distoorkii ayaa uu jabiyey, taasi waa xaqiiqo taala oo banaanka taala. Wax Allaale iyo wax cudur daar ah oo ay Xukuumaddu u hayso in ay Doorashadu dib-u-dhacdo ma taalo, ma' nay sheegin, illaa ay cadaanaysay in ay Doorashadu dib-u-dhacaysana Madaxweynahu waxaa uu lahaa Doorashadu xiligeedii ayaa ay ku dhacaysaa, Dadweynaha ayuu u sheegay, Baarlamaanka ayuu u sheegay, sida oo kale Warbaahinta ayuu ka sheegay, macnaheedu waxa weeye taas Madaxweynahu waxa uu ku hadlaayey iyo waxii u damacsanaa mar walba waa ay is-khilaafsanaayeen taasina waa khiyaamo, waa khiyaamo qaran, waa khiyaamo shacabka la khiyaameeyey, waa been shacabka loo sheegay, waxa weeyaan ficilkii uu hayey iyo waxii uu ku hadlaayey way is-khilaafeen, waajibkiisii Distooriga ahaa ee isaga saarnaa Doorashadu in ay qabsoonto waa uu ka baaqday, Doorashadu in ay qabsoontaa Xisbiyada Qaranka ma saarna, Komishankana ma saarna, Baarlamaankana ma saarna, se Madaxweynaha ayey saaran tahay, waa waajib Distoori ah oo Madaxweynaha saaran. Eed nin leeyahay in dadka la saar saaro oo lagu camcamiyo maaha, eedaas waxaa iska leh Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.".Ayuu yidhi Md.Ibraahim Jaamac Cali.

Xildhibaan Rayte oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in ay muddo dheer ka qaylinayeen in aanay Xukuumaddu doonayn in ay doorasho dalka ka qabsoonto, isaga oo iftiimiyey in ay si badheedh ah u hor-joogsatay Diiwaan-galintii taas oo ay uga golahaayeen ayaa uu yidhi dib-u-dhac ku yimaada Doorashooyinka.

"Annagu muddo sannad iyo dheeraad ah, ayaanu ka qaylinaynay oo aanu lahayn Xukuumaddu Doorasho ma galayso, mana doonayso, talaabo talaabo ayaanu dadka ula socodsiinaynay, waxaanu lahayn haddii Doorasho dhacayso Diiwaan-galintii waa la hortaagan yahay, Xukuumaddu si badheedh ah oo cadaan ah oo marag leh ayey isu hortaagtay Diiwaan-galintii, Diiwaan-galinta sababta ay isu hortaagtayna waxa weeye in Doorashadu dib-u-dhacdo, Baarlamaanka waxii ka dhacay waad ogeydeen, waxaasina waxaa ay ahayd uun dib-u-dhaca Doorashada in la xalaaleeyo uun.".Ayuu yidhi Md.Rayte.

Xildhibaan Ibraahim Rayte, waxaa uu sida oo kale sheegay in dib-u-dhaca ku yimi Doorashooyinku ay yihiin Distoor jabin Qaran isla mar ahaantaana ay ahayd in Madaxweynaha Maxkamad lagu soo oogo, waxaa kale oo uu soo dhaweeyey go’aanka ay sida wada-jirka uga gaadheen Xisbiyada iyo Xukuumadduba khilaafkii Doorashooyinka, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay heshiis Qaran sidaasna ansax ku ah in la hirgaliyo.

"Arrinta qudha ee nasiib darrada ahi waxa weeye in iyada oo Distoorkii la jabiyey oo Distoor jabinin dhacday oo ay tahay danbi Qaran, waajibna ay ahayd in Madaxweynaha Maxkamad lagu soo oogo, in aan hadana cidina ka hadlin. Arrinta kale waxa weeyaan Doorashadii haddii ay dib-u-dhacday oo Komishankii cusbaa muddo qabtay oo ay yidhaahdeen annagu mudadaas ayaanu ku qaban karnaa Doorashada, waajibka Madaxweynahu mar Labaad waxaa uu ahaa in mudadaas iyada ah uu cayimo Doorashada, anigu sabab ay run ahaantii Xisbiyadu uga wada-hadlaan mar arko, dariiqu waa uu banaanaa, waxay ahayd haddii Madaxweynahii lagu soo oogi waayey maamuus ka xayuubin oo la yidhi ha loo kordhiyo waliba in mudadaas lagu eekaado, waxan danbe ee kalee laga wada-hadlay anigu wax ay ku salaysan yihiin garan maayo, heshiiska Xisbiyadu illaa hada wax ay ku salaysan yihiin anigu ma garanaayo illaa hada. Go'aanka ay Golaha Guurtidu iyaguna Labada sanno ku kordhisay isna ma garnaayo illaa hada waxa uu ku salaysan yahay. Midkoodna ma'laha aas'aas sharci, laakiin sharciga waxaa u dhow waxii lagu heshiiyey, mar haddii Xukuumadda iyo Sadexda Xisbi Qaran ay ku heshiiyeen Doorashadu in ay dhacdo November 2016ka, heshiiskaasi waa heshiis Qaran, waana sharci, waana in isaga lagu socdo. Ma' garanaayo Guurtidu waxa ay ku salaynayso mudadan kale ee dheeraadka ah ee ay ku dartay. Marka dib-u-dhaca Doorashadu waa uu iska cad yahay in Xukuumaddani aanay doonayn in ay Doorasho isu soo istaagto oo dadka ay cod mar Labaad si kalsooni ah u waydiisato, waayo kalsooni ka heli maayaan, haddii ay kalsooni ka helayaan 26ka Juun ayey Doorashada qaban lahaayeen, kalsoonidana waa ay ka heli lahaayeen.".Ayuu yidhi Rayte.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), waxaa uu ugu danbeyntii ka hadlay, wax-qabadka Xukuumadda Siilaanyo maadaama ay hadda muddii Shanta Sanno ahayd ee xilka loo doortay yahay mid gabaabsi ah, waxaana uu tilmaamay in mudadii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay ay dhaawacweyn soo gaadhsiisay bulshada Somaliland. Isla mar ahaantaana aanay waligood soo marin Xukuumad uga waxyeelo badan.

"Hota erayga wax-qabad la yidhaahdaa waa eray daciif ah, Xukuumadda waxaa loo doortay in ay wax-qabato, Xukuumaddu wax-qabad ayey leedahay waa eray daciif ah, waana waajib Distooriya, waa xilkoodii, waa waxa ay xukunka ku yimaadeen, waa waxa ay ku olaleysteen in wax-la-qabto, laakiin maxaa la qabtay ayaa la yidhi?. Xukuumaddu inta ay mujtamaca bulshada Somaliland ay yeeshay ee dhaawac ay soo gaadhsiisay, ayaa Kun jeer ka badan waxa ay tartay, dad ama ummad maalin walba soo toosaysa oo la leeyahay waxbaa la qabanayaa, oo hadana aan wax la qaban, laakiin waxa ay qabteen waxa ugu badan ee aan anigu arko, waxa weeyaan waa Musuq-maasuq, Qabyaalad iyo Colaado. Waxa ay Xukuumaddani qabatay ee ay ku faanaysaa waa intaas. Inta ka muuqata ee Mujtamaca ay ku hadhayaan calaamadahoodii iyo nabaradoodii ay muuqdaan waa kuwaas intaasna dadku waa ay arkaan, dadku caamo maaha, dadku ma indho la'a, dadku garaad-bay leeyihiin, waa nasiib darro marka dadka la hadlaaya shacabka ay shacabku ka garaad sareeyaan, shacabka iyo ummadda reer Somaliland, waxa xaqiiqada ah ee yaala waa ay arkaan, waxa weeye aduunkii iyo caalamkii oo Somaliland laga soo ooday, waxa weeyaan sumcaddii Somaliland iyo magacsamaddeedii oo baa ba'day, waxa weeyaan go'doon Diblomaasiyadeed(Diblomatic Isolation) oo ku dhacay Somaliland, waxa weeyaan xidhiidhkeenii caalamiga ahaa iyo saaxiibadeenii oo burburay, waxa weeyaan gudahii oo aad arkaysaan in qurub waliba uu meel u go'ay, in qabyaalad ay dadkii kala goy-goysay, kala xidh-xidhay iyo colaado ay hurisay ay ka dhalatay siyaasadoodii, waxaan anigu isleeyahay Xukuumad soo marta Somaliland oo Xukuumaddan ka waxyeelo badan may soo marin, manay jirin.".Ayuu yidhi Md.Ibraahim Jaamac Cali (Rayte).