Xaflad Xadhiga Lagaga Jaray Furitaanka Dugsiga Sare Ee Salaama

0
1041

salamaHargaysa(Geeska) Xaflad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargaysa ayaa xadhiga lagaga jaray dugsiga sare ee SALAAMA oo ku soo biiray saaxada dugsiyada sare ee magaalda Hargaysa.

Xafladan balaadhan ee lagu daahfurayay dugsigan cusub ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin aad utiro badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade, Agaasimaha guud ee tacliinta sare Khadar Axamed Diiriye, agaasimaha waxbarashada gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shire,   Sh.Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), marti sharaf iyo dhalinyaro tiradoodu ay aa u badanayd.

Ugu horayn maamulaha SALAAMA Cabdifataax Sheekh Cabdilaahi ayaa xafladaas mahadnaq balaadhan uga soo jeediyay wasiirka waxbarashada, shirkada isgaadhaasiinta Telesom, ganacsade Baxsane iyo dhamaan masuuliyiintii ka soo gayb gashay xafladaas. Waxaanu maamuluhu mahadnaqaas kadib uu ka hadlay sababha ku kalifay inay wakhtigan soo kordhiyaan dugsigan sare hadaladiisiina waxa kamida “ Waxaanu u aas aasnay Salaama Secendary School markaanu aragnay baahida loo qabo aqoonta dugsiyada sare ee aanu garwaaqsanay inay baahidu soo kordhayso loona baahan yahay in tirado ahaan lakordhiyo dugsiyada sare, kadib markaanu aragnay inay soo kordhayaan tirade ardayda ka soo baxaysa dugsiyada hoose dhaxe isla markaasan aanu la tashanay aqoonyahanada iyo waxgaradka xaafadan uu iskuulku ku yaalo, Waxaan go’aansanay Furitaanka Salaama Secendary School” maamuluhu isaga oo haalkiisa siiwata waxa uu yidhi“Salaama waxaanu ugu talo galnay inay noqoto Hoy waxbarasho oo ay ku soo hirtaan da’yarta Somaliland gaar ahaan reer Hargaysa, Salaama waxa ka go’an inay soo saaro arday ka dhisan xag aqooneed iyo xaga akhalaaqeedba, Salaama waxa uu hiigsanayaa inuu noqdo hormuudka dugsiyada sare ee dalaka, waxaana naga go’an inaanu galino dadaal hagar la’aaneed anagoo kaashanayna illaahay, dugsigan Sare ee Salaama waxa uu ka koobanyahay 36  Fasal oo si fiican loo qalabeeyay, laba xafiis, 18 musqulood iyo hal miitin hool, qolaalka wax akhriska. Waxaana wax ku baran doona ardayda isugu jira Fasalka koowaad ilaa Fasalka afaraad, waxaanan ku bilaabi doonaa hadii alle ka dhigo, Fasalka koowaad iyo Fasalka labaad maadaama oo ay ardaydu baahantahay in aqoon tayo leh la baro”.

Waxa madashaas ka hadlay waiirkii hore ee duulista iyo hawada Cali Maxame Warancade oo siwayn u amaanay maamulka iyo macalimiinta Salaama, waxaanu u soo jeediyay inay xiisadaha ay bixinayaan ay ugu daraan ardayda xiisad wadaniyada si ay wadankooda wax wayn uga bartaan laxejeclana ugu yeeshaan.

Gabo gabadii afladaas waxa hadalo ka soo jeediyay agaasimaha waxbarashada gaarka loo leeyahay Muuse Maxame Shire oo isagu markii danbana xadhiga ka jaray dugsiga Sare ee Salaama hadaladiisana waxa kamid ahaa “Dugsiga sare ee Salaama waa dugsi ka sharciyaysan wax barashada iyo tacliinta sare waxaanan kamid ahaa gudidii ka soo eegaysay inuu dugsigan u qalmo dugsi sare iyo inkale, waa dugsi u qalma, waanu ka sharciyaysan yahay wasaarada waxbarashada ee Somaliland. Waxaanan leeyahay dugsigaas waa mid ku munaasiba wax barasho, waxnan  jecelnahahay inuu dabooli doono baahi badan oo waxbasho. Dugsigan waa mid aad u balaadhan oo quruxbadan waxanan rajanayaa inay noqon doonaan ardayda dhigan doontaa kuwii ku haboonaa dhismaha”

Dugsigan sare ee Salaama ayaa ah mid dhismahiisu uu aad u wayn yahay oo ka kooban dhawr dabaq isla markaasana waxa uu ku yaalaa deegaan ku haboon waxbarashada, waxaanu noqday mid ay siwayn u amaaneen dhamaan masuuliyiintii goobtaas ka xaadiray.