Dufcadii 10-aad Oo Ka Qalin Jebisay Kuuliyadda Caafimaadka Ee Global

0
962

 

Global

Hargeysa (Geeska) Kuliyada barashada caafimaadka ee Global Medical College ayaa xalay shahaadooyin gudoonsiiyey arday dhamaystay caafimaadka, gaar ahaana kal kaalisinimada caafimaadka.

Xaflada shahaadooyinka lagu gudoonsiiyey ardayda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukumada oo uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha, xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, aqoonyahano, madax dhaqameed, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay maamulaha Global Medical College Dr. Cabdiraxmaan Xasan Qawdhan, waxaanu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Global Medical College, waxaanu sheegay in kuliyadoodu tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga aas aaso gudaha magaalada Hargeysa. Maamule Cabdiraxamaan wuxuu ardayda kula dar daarmay in aanay baayactan galin aqoonta ay u barteen dadkooda iyo dalkooda, isaga oo kala taliyey inay dantooda ka horumariyaan danta guud ee uu uga fadhiyo qarankoodu. Sida uu sheegay maamulaha kuliyada Global waxaa la aas aasay sanadkii 2002-dii. Wuxuu intaas ku daray in ay Global ahaan ay qayb lixaadle ka qaateen horumarinta hawlaha caafimaad ee qaranka Somaliland, isla markaana ay soo saareen arday tayo sare leh. Dr Cabdiraxmaan Xasan Qawdhan wuxuu sheegay in shaqaalaha goobaha caafimaadka ka hawl gala ay badankooda kuliyad ahaan soo saareen.

Waxaa isna halkaas ka hadlay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxaanu marka hore hambalyo u diray maamulka iyo ardayda, gaar ahaan dufcada qalin jabisay ee bartay maadada caafimaadka. Xildhibaan ibraahim Mahdi wuxuu xukumada Somaliland ugu baaqay inay ka hawl gasho daawooyinka ay taariikhdoodu dhacday ee dalka yaala, isla markaan ay wax uga qaban lahayd. Mar uu ka hadlaayey arrimah daawooyinka waxa uu sheegay inay dalka yaalan kuwo wax yeelo u gaystay caafimaada qofka oo u hor seeda xanuun ka daran kii qofka markii hore hayey.

Waxaa isna halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed (Caga wayne) waxaanu ugu horayn ardayda u soo jeediyey inay ka midho dhaliyaan cilmiga ay barteen oo ay halkaas ka sii wadaan. Agaasimuhu wuxuu ku hambalyey maamulka kuliyada qalin jabinta dufcada 10-aad ee ka baxday intii uu jiray. Agaasimaha ayaa sheegay inay lagama maarman tahay in hablaha la siiyo muhiimad gaar ah, isaga oo taas uga jeeday in hooyo waxbaratay ay la mid tahay bulsho waxbaratay. Intaasna wuxuu ku darya in caafimaad la bartaa uu yahay mid anfacaaya ubadkaaga, bulshadaada, ehelkaaga iyo dadkaagaba, waxaanu soo dhaweeyey kuliyada caafimaadka ee Global, isaga oo sheegay inuu ku rajo wayn yahay in wasaaradda caafimaadku ay si gaara u tix gelin doonto Global Medial College.

Ugu danbayntii waxaa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyey 50 arday oo dhamaystay kal kaalisinimo caafimaad oo isugu jiray hablo iyo wiilal. Maaha markii ugu horaysay ee kuliyada Global shahaadooyin gudoonsiiso arday sidan oo kale u dhamaystay qaybo ka mida barashada caafimaadka.