Toddobaadka Iyo Somaliland

12
984

 

 

Miyaad Hore U Maqal Naadiyada Akhriska: By Sayid-Axmed M. Yuusuf

 

Guuleed:"Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi:" Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Waabaa beryey, Arooryo baxsan, Maalin Boqran, Badhbadhaadhnay!

Geedd: Oo Maanta waabaad heesyasaaye, waa maxay badhbadhaadh-ku, abaaraha dhacay miyaanaad ogayn.

Guuleed. Waar Ilaahay ha innaga qaboojiyo abaaraha, ee waxa aan la heesayaa, qoladan qurbaha ka timi ee dedaalkooda la yaabay, miyaanaad maqal.

Geeddi: Qurbaha cid dedaalaysaa innoogama timaado'e maxaad aragtay?

Guuleed: Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo, Gabilay, Boorame iyo Laascaanood ayey isu soo mareen. Waxa ay geeyeen goob kasta, buugaag, boqollaal kor u dhaafay. Waxa ay meel kasta kaga yimaaddeen ballan ah in laga furi-doono RUGTA BUUGAAGTA ee dadweynaha. Dedaal yaab leh ayey muujiyeen. Wax aanay hay'adina inoo qabateen bay qabteen–xataa xukuumaddii ayey tuseen in wax la qabsan karo.

Geeddi: Waar haddaan ku gartay–ma waxaad sheegaysaa nimankan sannadkasta dalxiiska innoogu yimaadda ee intay guriga shaqaalaha ku tuntaan, aan dib loo arag. Maxay soo kordhiyeen? dadkani dad buugaag u baahan maaha, ee wax ay cunaan iyo waxay cabbaan bay u baahanyihiin. Maanta harraad baa loo bakhtiyayaa Hargeysa, dhulkii kalana maxaad u malaynaysaa? Waar yaa runta u sheega oo yidhaahda—naga daaya dhereg-dhacsiga oo meelahaa u dalxiis taga. Waxa aan se ku weydiiyay maxay u ganaaxeen Oodweyne oo magaalo kastaba ka mudnayd ee ay u soo mariwaayeen?

Guuleed: Waar dee way sheegeen inta magaalo ee ay soo mareenba waxa ka jiray Naadi Akhris, sidaasay ku doorteen ee si kale looma kala dooran magaalooyinka.

Geeddi. Naadigu muxuu ahaa? naadiga Ciyaaraha dheh! Weligay ma maqal Naadi Akhris, miyaad qaldantay.

Guuleed: Intii aad siyaasadda ku jeedday ee aad Wasiirada iyo Agaasimayaasha aad kala baranaysay baa la sameeyey Naadiyo Akhris oo dardar cusub la soo galay dalka iyo horumarintiisa. Haddii aad doonayso in aad ku biirto Naadiyadaa anigaa ku tilmaami.

Geeddi: Buugaag la akhriyo wax iga soo gaadhi maayaane, waxa aan ku weydiiyey, Carwadan buugaagta ee sannad kasta la qabto sow maad maqal in lagu cuno Malaayiin dollar?

Guuleed: Oo yaa ku cuna?

Geeddi. Dee qoladan aad ammaanayso ee qurbaha ka yimi. Waxa la igu yidhi dhawr milyan oo Abu bidaarkii ah baa ku baxa oo hay’ado reer Galbeed ah baa bixiya oo Ingiriisku ugu horreeyo, Talyaaniguna ku xigo—miyaanaad warkaa haynin?.

 

Guuleed: Waa kaa garaadkaagu; Hay’ad wax bixisa ayuun-baa maankaaga ku jirta. Waar marka hore ka xoroow! Hay’ad iyo reer Galbeed. Wallaahi, in aanay socdaal ku mareen ilaa Laascaanood, Yufle ilaa Ceerigaab, haddaanay iyagu  is maamulay-nin. Maantana Hargeysay dhigayaan kumaankun buugaag ah. Hawshaa qauruxda badan qolada waddaa maaha oo qudha qurba joogga ee dhallinta dalka deggen baa xooggoodii geliyey. Sidaa— uun hay’ad iyo gaalo baryadeeda u sug, bal inaad ku baahi baxdo.

Geeddi. Oo imminka ma waxa aad I leedahay waxaasoo hawl ah dad aan maalqabeenona ahayn baa hagaya oo dhaqaajiyey. Hadday sidaa tahay waan tegayaa, oo xoogayga ayaan ku darsanayaaye I tilmaan, oo goormaa la bilaabayaa.?

Guuleed: Maanta yaa kaa wanaagsan, anigaa ku tilmaamiye. Laga bilaabo maalinta jimacaha ee bishu tahay 22/07/2011 aan joojinno ka hadalka siyaasadda, waxa keliya ee aynu ka hadalnaa ha noqoto akhriska iyo wax qoridda. Labadeenu intii aynu hadlaynay haddii aynu wax qori lahayn maxay kula tahay? Dee buugaagtaa maanta la soo bandhigayo ayey ka mid ahaan lahaayeen. Aan ku tilmaamee—miyaad ka anbanaysaa Beerta Xorriyadda iyo 22-26ka bishan julaay.

Geeddi: Waa runtaa buugaag bay noqon lahayd, haddaynu qori lahayn tororogteennii. Laga bilaabo saacadda aan joogno, waxa aan ka hadalnaa, waa qoraalka iyo akhriska. Dee buugaagtana aan soo iibsanno, waa lagu tacbaye, mise waa  bilaashbaa tolow! ?

Guuleed: Bilaash maaha e, lacag ugu soo talo gal aad ilaa 10 buug ka soo iibsatide. Innakeen, maanta heeshiis baynu nahaye waa inoo Beerta Xorriyadda iyo Carwada  buugaagta ee Hargeysa. Waxa imanayaa qorayaal, abwaanno, akhristayaal, siyaasiyiin iyo bulshada laamaheeda oo dhan.

Geeddi: Dee Siyaasiyiintaa ka reeb. Sawtii aad tidhi siyaasad maa fii!

Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed M. Yuusuf

Sweden

Comments are closed.