Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Oo Deeq Gaadhsiiyay Qoysas Danyar Ah

0
986

 

 

DSC08833

Hargaysa(Geeska)-Xafiiska samafalka madaxtooyada ayaa deeq raashina gaadhsiiyay boqol qoys oo danyara oo dagan xaafaa Maxamed Mooge ee magaalda Hargaysa.Raashinkaasi  ayaa waxa gudoonsiiyay dadka danyarta ah  maareeyaha xafiiska samafalka ee madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay Marwo Aaamina Maxamuud oo kawar bixisay seeqdan raashinka ah ee xafiiska samafalka ee madaxtooyada uu ugu talo galay dadka danyarta ah ee xaafada Maxamed Mooge hadaladeediina waxa kamid ahaa“ goobtan aan joognaa waa xaafada Maxamed Mooge oo aanu boqol qoys oo danyara aanu uga qaybinayno raashin isugu jira Daqiiq iyo timir, ilaahay ayaan uga baryayaa dadka inuu isagaa gacan waynu waxsiiyo, laakiin maadama aan nahay dawlad isbadalka dadka ku timid kolba waxii lahayo in la gaadhsiiyo meelah ay tabaaladu ka jirto weeyaan, waxaanan insha allah gaadhsiin doonaa xarunta agoomaha iyo xarunta dadka dhimirka ah iyagana raashin sidan oo kale. Xaafadana waxaan ula soo xidhiidhnay in dadka jilicsan ee danyartaa een haysan waxay maalintaasi karsadaan in aan wax gaadhsiina,waxaana qoysaskani soo qoray gudida xaafada”

 

Sidoo kale marwo Aamini waxa ay u mahad naqday haay’ada Geeska Afrika oo ay sheegtay inay iyadu bixisay raashinkan iyo kii la gaadhsiiayay waqooyiga Hargaysa.

 

Waxaana dadkaasi raashinka loogu qaybiayay saldhiga xaafadaasi Maxamed Mooge Raashinkani ayaa qoys walba waxa la siiayay 10kg oo Daqiiqa iyo 10kg oo Timira.

 

Dadkii danyarta ahaa ee raashinka loo qaybiyay  oo ay ka muuqato diifi ayaa iyaguna siwayn ugu mahad celiayay xafiiska samfalka ee madaxtooyada iyo madaxwaynaa Somaliland.

 

Intaasi kadiba waxa ay marwo Aamina bookhatay xafiiska barakacayaasha koonfurta somaliya oo isguna isla xaafadaasi uun ku yaala, halkaasi oo ay kulan kula yeelatay dadka ka soo barakacay koonurta somaliya.

 

Xafiikani samafalka madaxtooyada ayaa jiray mudo sideed bilooda, waxaana loo aas aasy sididii loo caawin lahaa dadka danyartaha ee ku nool Somaliland, sitoosaanu xafiiskani u hoostagaa madaxwaynaa jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.