Muuse Biixi Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Guddi Uu Guddomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE U Magacaabay Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga

0
883

 

sawirka caawaHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa  magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood oo diyaarisa shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi.

Gudidan uu magacaabay Gudoomiyaha Golaha Dhexe waxa ku jira xubno wasiiro ah iyo saraakiil ka tirsan Haa’yadaha dawliga ah ee dalka, xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsanaa xisbigaas. Warsaxaafadeedka guddoomiyuhu soo saaray ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan: “Iyada oo aynu hore ugu dhawaaqnay qabashada shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo ku beegan 6-da June 2011, ayaa waxa lagama maarmaan noqotay si ay qabsoomida shirku u tabaalo la’aato in aanu magacwno guddi qaban qaabo oo ka hawl gasha dhamaan hawlaha ku beegan qabashada shirka golaha dhexe.

Sidaas darteed maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 28/05/2011 waxaan magacaabay inay noqdaan gudida qaban qaabada ee shirka Golaha dhexe xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin.
Axmed Muxumed Madar  Guddoomiye
Cabdikariin Axmed Xinif   Xoghaye
Maxamed Muuse Abees   Xubin
Nimco Xuseen Qawdhan  Xubin
Ilhaan Maxamed Jaamac   xubin
Xuseen Axmed Caydiid     xubin
Mahdi Xuseen Cadar       xubin
Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan  xubin
Siciid Cilmi Rooble         xubin
Axmed Cabdi Dheere    xubin

Xubnaha gudida qaban qaabada waxa lagu wargelinayaa inay bisha 31/05/2011 oo ku beegan Maalin Salaasada ah isugu yimaadaan xarunta Xisbiga KULMIYE Saacada 9:00 subaxnimo halkaas oo guddoonka golaha dhexe kulan kula yeelan doono.Mudanayaal waxaan idinka rajaynayaa hawl wacan, guul iyo gobonimo taam ah.”

Jawaabta Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muse Biixi Cabdi, oo uu Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay arrintan ayaa ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaanu sheegay inaanu hoggaanka xisbigu wax war ah ka hayn balse uu warbaahinta ka maqlay. “Idaacadda ayuun baanu ka maqalnay.” Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanu intaas raaciyay, “Wax alla wax aan ka ogahay ma jirto, wixii aanu hoggaanku xisigu ogaynina sharciyan waa khalad, inuu hoggaanka xisbigu ogaado ayaa sharci ah, wax ka soconayaana ma jiraan.”

Guddoomiyaha guddiga

Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu la xidhiidhay guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynahan loo magacaabay Md. Axmed Muxumed Madar, waxaanan wax ka weydiinay waxa uu ka ogyahay guddigan loo magacaabay, waxaanu sheegay inuu ka warqabo, isagoo caddeeyay inuu guddoomiyaha golaha dhexe xaq u leeyahay magacaabista guddiga iyo qaban qaabada shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga.

Gunaanad

Waxa la arkayaa inay talaabadani noqon doonto mid xisbiga ka dhex abuurta khilaaf iyo muran sharciyeed oo aan natiijadiisa la saadaalin karin, lamana oga ilaa hadda mawqifka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ku waajahan mawduucan oo marka la eego xilliga uu ku soo beegmay xaasaasi ah, isagoo Madaxweynuhu markii uu guulaystay uu taladii xisbiga ku wareejiyay Muse Biixi Cabdi oo ku xigeenkiisa ahaa. Waxa kale oo ay dad badani aaminsanyihiin in khilaafkan oo kale ku soo fool-leeyahay labada xisbi ee kale ee UDUB iyo UCID.