Dalladda SONSAF Oo Si Cad U Beenisay Inay Dhabar Wareentay Weftigii Somaliland

0
803

 

SOOOOOOOOON SAFHargaysa(Geeska)-Dalladda SONSAF oo ay ku midoobeen ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland ayaa shalay soo saaray qoraal war-saxaafeed ah, kaas oo ay kaga hadleen kulankii ay golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobay kula yeesheen magaalda Nayrobi iyaga oo matalayay bulshada rayidka ah ee reer Somaliland.

Dalada SONSAF, waxay beenisay warar ay baahisay warbaahinta qaarkeed kaas oo ay ku sheegeen in weftigii SONSAF ay dhabar jebiyeen weftigii ka socday dawladda Somaliland, waxaanay masuuliyiinta SONSAF sheegeen inay halkaas ka jeediyeen khudbad ballaadhan oo ka turjumaysay baahiyaha iyo horumarka bulshada Somaliland. Warsaxaafadeed ay dalladu soo saartay oo uu ku saxeexanyahay Md. Xasan Axmed Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka dalladaas, ayaa waxa halkaas ka akhriyay qaar ka mid ah masuuliyiinta daladaas oo ay ka mid yihiin Md. Mustafe Sacad Dhimbiil, Anwar Cabdikariim Warsame iyo Aamina Faarax.  Qoraalkaasi wuxuu u dhignaa sidan: “SONSAF waa urur ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland ka jira, waxaanu ka kooban yahay 5 qaybood oo kala ah; Ururada Bulshada rayidka ah, Ganacsatada, Xirfadlayaasha, Cuqaasha iyo  Musheekhda Somaliland. Waxaana lagu tilmaami karaa meel bulshada inta dawladda kasoo hadhaa ay ku midaysan yihiin.

SONSAF oo hadda jirtay muddo saddex sanadood ahi, waxay u taagan tahay inay ka shaqayso danta guud ee bulshada iyo inay xoojiso oo ay isberbertaagto garabyada kala duwan ee Xukuumadda, kana kabto dhinacyada horumarinta falanqaynta nidaam-hawleedyada (policy dialogue) iyo la xisaabtanka bulshada caalamka si uu qarankani Somaliland ugu muuqdo mid bulshadii iyo xukuumadiiba ay dhinac ka wada jeedaan.

Muddo saddex toddobaad ah ka hor shirkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee Nairobi SONSAF waxay la wadaagaysay qabanqaabiyayaashii shirka doorka ay ku yeelanyso shirka, iyadoo matalaysa ururrada madaniga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. SONSAF waxa laga qaybgeliyey diyaarinta odhaahdii loo jeedinayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

SONSAF oo hore shirar caalami ah uga qaybgashay kadib markii ay aragtay danta iyo faa’iidada ugu jirta Somaliland, halka qaar kalena ay uga cudurdaaratay qaddiyadda Somaliland darteed, waxa markii ay ku qanacday doorka ay ku yeelan karto shirkii Golaha Ammaanka ee Nairobi ka dhacay 25kii bishan uga qaybgalay wefti ka kooban saddex xubnood oo wakiil ka ah dhammaan ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Haddaba, SONSAF kamay qaybgelin shirkii siyaasiyiinta Soomaalida ee ay Somaliland ka maqnayd. Haseyeeshee, waxay ka qaybgashay shirkii ururrada bulshadu la yeesheen Golaha Ammaanka.

Weftiga SONSAF waxay shirkaasi ka jeediyeen warbixin ka waramaysa Somaliland iyo taariikhdeeda iyo weliba horumarka dalku gaadhay iyo rabitaanka shacabka Somaliland, taas oo guddigu u bogeen.

Sida ay qoraan qaar ka mida saxaafadda maxaliga ah; SONSAF uma taagna inay dhabar-jebiso xukuumadda shacabku soo doortay iyo siyaasadda ay dalka ku hagayso toona, balse waxay ka shaqaysaa horumarka, dhiirigelinta iyo iibgaynta qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Taana waxa cadayn u ah in Wefdigii Somaliland aanay ku hungoobin goaankoodii ahaa inay gaar ula kulmaan xubnihii Golaha Amaanka ka socday iyo iyadoo aanay jirin cid docwareentay.

SONSAF iyo xukuumadda Somaliland waxay shirarkii ay la yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kala soo noqdeen guul la taaban karo, iyadoo xukuumadda Somaliland aanay ku dhex milmin kooxaha ishaya ee Soomaalida.

SONSAF iyadoo ka wakiil ah guud ahaan Jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland waxay wada shaqayn iyo xidhiidh fiican la leedahay xukuumadda iyo golayaasha kale ee qaranka Somaliland, waana mid ay sii wadi doonto.”