Xaalado Dhif Ah Oo Dadku Aanay Rumaysnayn In Ay Caafimaadka La Xidhiidhaan Balse Cudur Ah (Q:2)

0
582

(Cudurka Lagu magacaabo Gacanta Qariibka: Alien Hand Syndrome / Strangelove)

Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee Qormadii ka waramaysay xaalado marar dhif ah dadka lagu arko oo aanay fahamsanayn in ay yihiin cudurro ama caafimaadkaba xidhiidh la leeyihiin. Geeska Afrika oo qormadan Afsoomaali u rogay waxa uu ka soo xigtay shabakadda wararka ee CNN oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

2. Gacanta Qariibka ah: Waxaa jirta xaalad afka qalaad lagu yidhaahdo Alien Hand Syndrome oo macnaheedu yahay xanuunka gacanta qariibka ah, dhakhaatiirta qaar iyo dadka badankiisuna u garan ogyihiin magaca Strangelove Syndrome iyaga oo ugu magac daraya filimkii Dr. Strangelove ee sannadkii 1964kii ka soo baxay dalka Ingiriiska. Sida caadiga ah qisada filimku waxa ay ahayd siyaasi, gaar ahaanna waxa ay si maadays ah uga waramaysay loollankii iyo xasaradaha dhinaca nukliyeerka ahaa ee ka dhex oognaa Maraykanka iyo dalkii midowga Soofiyati. Laakiin jilaaga Filimkia oo ahaa Peter Sellers laakiin ku dhigayey shakhsiyadda Dr. Strangelove ayaa bilowga illaa dhammaadka filimka waxa ku metelayaa in uu qabo cudurkan Alien Hand oo dhibaatooyin badan oo aanu maskax ahaan doonayn u horseedaya, waana halka ay dadka qaar iskala doonteen magaca filimka iyo cudurkan.

Cudurkani waa xaalad qofka ku keenaysa in uu ka lumo xidhiidhka ka dhexeeya maskaxdiisa iyo xubnihiisa, oo gacantu ka mid tahay, sidaa awgeed waxaa dhacaya in gacanta iyo xubno kalaba ay sameeyaan ficillo aanu qofku maskax ahaan doonayn, taas oo u dhiganta sida in qof kale oo aan isaga ahayni uu gacantii amarrada siinayo,  tusaale ahaan, waxaa dhacaysa in gacanta fayo-qabtaa ay meel wax dhigto ama si u dhigto, kadib gacantii kale oo cid dirtay aan la garanaynin ay wixii meeshii ka tuurto, ama si kale u dhigto. Cudurkan mucjisada ah oo la ogaaday sannadkii 1909kii waxaa la aaminsanyahay in dadka uu dunida oo dhan ka hayaa aanay ka badnayn 40 qof. Waxaana lagu macneeyey in uu yahay khalkhal ku dhacaya hab-dhiska neerfaha qaybta qaabilsan isku xidhka xarakaadka xubnaha iyo maskaxda. Dadka badankiisu ma’ay maqlin, dadka dhifta ah ee arkay xaaladdan am aka daawada filimkanina waxa ay u fahmeen nooc maadays ah, laakiin xaqiiqadu waa in uu yahay cudur khatar ah oo aan illaa hadda dawo loo haynin.