OGEYSIIS…..OGEYSIIS

0
699

Picture1

Muwaadiniinta reer Soomaalilandow, gaar ahaan dadweynaha reer Hargeysow, dadaal loo galay sidii aad u heli lahaydeen adeegyo casri ah, waxa ka soo baxay oo aan jecelnahay inaan idiinku bishaarayno nidaamka diiwaangalinta bukaanka ee casriga ah, kaasi oo ka dhaqan gali doona Isbitaalka weyn ee Hargeysa 20ka June , 2015

Nidaamka cusubi waa midhihii ka soo baxay mashruuca FED/2012/298-809 oo Midawga Yurub maalgaliyey, ayna fulisay UNOPS iyo TERRE SOLIDALI.

Albaabka laga soo galayo isbitaalka, waxaad ku arki doontaan tabeele ay ku qoran yihiin tilmaamo iyo tibaaxyo kugu hagaya sidii aad u gaadhi lahaydeen miiska diiwaangalinta, halkaasi oo lagu waydiisan doono inaad faraha dhigto (si la mid ah sida xafiiska socdaalka ee madaaradda). Waxa kale oo lagu waydiin doonaa xogtaada aasaasiga ah sida magaca, jinsiga iyo da’da (lambarka telefoonka iyo goobta aad degan tahay in lagu waydiiyo ayaa laga yaabaa, laakiin daruuri maaha). Aan kuu xaqiijinee, xogtaada aasaasiga iyo faraha lagaa dhigayaa midna xidhiidh lagu xidhiidhin maayo magacaaga, balse summad baadisooc u noqota kaadhkaaga caafimaad ayay ka muuqan doonaan. Summadaasi gaarka ah waxaad ku arki doontaa dhamaan dokumentigaaga caafimaad, halka farahaaga looga baahan yahay oo kaliya in lagu socodsiiyo nidaamka si uu kuu aqoonsado marka danbe ee aad adeeg caafimaad u timaado.

Marka lagu diiwaangaliyo, waxaad heli doontaa lambar aad safka ku gasho, kaasi oo aad u adeegsan doontid inaad ku bixiso lacagta yar ee bukaan socodka, ta aragtida dhakhtarka iyo talaabo kasta oo kale oo loo baahan yahay, sida bixinta kharashka shaybaadhka.

Waan la soconaa in nidaamka cusubi uu keeni doono culays iyo cidhiidhi dhinaca waqtiga ah sababta oo ah bukaanka oo dhan waxa bilawga laga rabaa inay isdiiwaan galiyaan. Ha yeeshee, talaabaddani waxa ay dardar galin doontaa nidaamka shaqo ee bukaan-socodka. Isla jeerkaas waxa uu nidaamkani saamaxayaa in si fudud loo helo xogtaada caafimaad taasi oo lama huraan u ah baadhitaanka dhakhtarka.