Heerka Jacaylka Ee Qofku Waxa Uu Ku Xidhan Yahay Hadba Inta Ay Le’eg Tahay Weynida Maskaxdiisu

0
771

Washington (Geeska)- Waxa aynu in badan maqalnaa dad badan oo ku celcelinaya hal-ku-dhegga sheegaya in jacaylku yahay aragtida koowaad, aadna u aaminsan in qacda hore ee isha iyo dareenka jacaylku ay mar wada bilowdaan. Taas oo macnaheedu yahay in marka ugu horreysa ee uu ninku arko gabadha ama mid koodba kan kale arko ay suurogal tahay dareen jacayl oo ka dhex alkunmaa isla ilbidhiqsigaasba. Waxaana tusaale wacan u noqon kara in lammaanaha isjecel mid kasta oo la weydiiyo sida iyo sababta uu mataankiisa u jeclaaday ay u badan tahay in aanu sheegi Karin, goorta uu jeclaadayna aanu xasuusan karin, balse keliya uu hubo in uu jecel yahay.

Arrinta jacaylku tan iyo bilowgii taariikhda Aadamaha waxa ay ahayd qadiyad muran iyo fikir badan ka dhasho, waxa ay ahayd su’aal dawakhaad iyo wareer joogto ah ku keenta dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshooyinka, oo in badan aragtiyo kala duwan ay ka bixiyaan. Waxaa abid la is weydiinayey welina la isweydiiyaa:

– Maxaa jacaylka u sabab ah?

– Jacaylku ma waxa uu ka bilowdaa dareenka aragga mise qalbiga? Tan oo macnaheedu yahay, ‘Qofku ma’ marka uu arko qofka muuqiisa ayaa uu jeclaadaa mise marka uu dhaqankiisa arko?

Haddaba si aynu isugu dayno jawaabo u helista su’aalahan aynu tusaalaha u soo qaadannay, ayaa uu Geeska Afrika maanta akhristayaashiisa la wadaagayaa, natiijada cilmibaadhis cusub oo amakaag iyo lama filaan ku noqotay inta badan ee dadka wax jecel ama daneeya Jacaylka. Cilmibaadhistan bulsho oo ay sameeyeen aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Melbourne ee dalka Maraykanku waxa ay daahfurtay in baahida jinsiga ah iyo dareenka jacaylka ee aadamuhu ay mar walba ku xidhan tahay inta ay maskaxda qofku mug iyo culays le’eg tahay. Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegayaan in doonista jacaylka iyo u hoggaansanaantiisuba ay ku habboon yihiin hadba xajmiga qaybta maskaxda aadamaha ee masuulka ka ah firfircoonaynta ama daciifinta xiisaha jacayl ee labada qof, taas oo ay sheegeen in ay tahay qayb yar oo ku taalla salka hoose ee maskaxda. Cilmibaadhayaasha oo tijaabo ay adeegsanayeen sawir-qaadis laser ah ku sameeyey maskaxda 45 qof waxaa u soo baxday natiijada ah in mar kasta oo xajmiga qaybtan maskaxda ee jacaylka qaabilsani weyn yahay uu badan yahay xaddiga jacayl iyo xiise ee ay dhalin kartaa halka mar kasta oo uu yar yahayna jacaylka qofku noqdo mid kooban ama dhaqso u baaba’a.

Khubaro waaweyn oo ka tirsan jaamacadda Concordia ee dalka Canada ayaa aad u xiiseeyey natiijada daraasaddan waxa aanay hadda wadaan daraasad kale oo ay ku sii dhamaystirayaan kuna hubinayaan dhaqanka jacayl iyo jinsi ee qofku xidhiidhka uu la yeelan karo xajmiga maskaxdiisa.