Xaajiyad Indho La’ayd Muddo Sannad Ah Oo Araggu U Soo Noqday Intii Ay Xajka Ku Gudo Jirtay

0
608

Picture7Makah (Geeska)- Xaajiyad u dhalatay dalka Tuuniisiya oo hal sano indho la’ayd ayaa uu dareenkii araggu u soo noqday xilli ay ku gudo jirtay gudashada xajka ee sannadkan. Xaajiyaddan Fadliga Alle araggu ugu soo noqday ayaa la sheegay in markii ay xujaajtu taagnaayeen buurta Carafah ay si aad ah ugu celcelinaysay duco ay Alle kaga baryeyso in uu indho la’aanta ka dul qaado, iyada oo weliba aaminsan in Alle ka aqbali doono ducadeeda.

Xaajiyo Nafiisa Al-Qarmaazi oo toddobaatan jir ahi waxa ay ka mid ahayd dadkii sannadkan ka soo xajay dalka Tuuniisiya, muddo hadda laga joogo hal sano iyo badh ayaa ay indho beeshay kadib markii uu si kedis ah faalig ugu dhuftay, muddadaasna waxa ay ahayd indho la’aan buuxda oo aanay haba yaraato ee xataa arki karin humaagga waxa hareeraheeda ka socda. Nasiib wanaag Xaajiyo Nafiisa waxa ay ka mid noqotay dadkii sannadkan dalkeeda ka soo xajay, waxaana la xaqiijiyey in markii ay xujaajtu istaageen buurta xarafaha, in ay maalintaas oo dhan ay si khushuuc leh ugu celcelinaysay ducadan ay Alle kaga baryeyso in uu aragga u soo celiyo, nasiib wanaag xaajiyo Nafiisa waxa ay buurtii ka soo dhaqaaqday iyada oo Alle ka aqbalay ducadii oo si buuxda indhaheedu u arki karaan wax kasta. Dadkii la socday iyo dhammaan dadkii ka ag dhowaa ee ogaa ama dareensanaa in ay indho la’dahayna waxaa yaab iyo u qaadan waa ku noqotay markii ay arkeen xaajiyadda oo inta ay ka maraantay wiilal ay dhashay oo hagayey indhaheeda miciinsatay, kelideedna si xor ah u socota.

Xaajiyo Nafiisa oo hooyo u ah saddex hablood iyo laba wiil, ayaa iyada oo ka waramaysa xaalkeedan mucjisada Alle ku jirto waxa ay tidhi, “Waa markii ugu horreysay ee aan Xajka imaaddo, tan iyo markii aan cago dhigtay dhulka Sucuudigana waxa aan yaqiinsanaa in Rabbigay ii rumayn doono rajadayda ah in araggii mar labaad ii soo noqdo” Xaajiyo Nafiisa oo qisadeedan dad badani xiiseeyeen sii waddaa waxa ay tidhi, "Waxa aan ka imi dalkaygii, aniga oo u soo safray Sucuudiga si aan xajka u soo guto, intii aanu safarka ku soo jirnay oo dhan waxba ma’aan arkayn, waxa keliya ee niyaddayda ku jira ee aan ku fikirayeyna waxa uu ahaa in uu Alle ii suurtogeliyo in aan arko goobaha Barakaysan iyo guriga Alle ee Xaramka. Markii aan istaagay buurta Carafah, waxa aan talo saartay Alle, Subxaanahu wa Tacaalaa, si ku celcelin ah ayaanan u baryey, kumana aan hungoobin  oo waa uu iga aqbalay Alle, waxa aan ku celcelinayey, “Rabbigayoow, waxa aan kuu imi aniga oo rajaynaya in aad araggaygii ii soo celiso ee ii aqbal” Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda inews-arabia waxa uu intaas ku daray in Xaajiyo Faadumo ay tidhi, “Alle waxa uu igu karaameeyey in aan araggaygii so oceshado. Ilaahaybaa mahadleh, waanan uga mahadnaqayaa nicmadaas uu igu siiyey goobtii dhulka ugu barakada badnayd iyo waqtigii waqtiyada ugu fadliga badnaa. Mar keliya ayaa aan arkay wax kasta oo hareerahayga ah, waxa aan arkay midabbadii taandhooyinka goobta ka dhisnaa, dadkii taandhada aan ku jiray ila wadaagayey ayaa markii ay i arkeen mar keliya wada yidhi, ALLAAHU AKBAR, LAA ILAAHA ILLA-LLAAH, kadib markii ay i arkeen aniga oo la dhacay sujuud shukri aan Alle uga mahadnaqayo nicmadan, kadib waxa aan bilaabay in aan keliday labadayda lugood ku socdo”Bottom of Form