Nin Kiristaan Ahaa Oo Sheeko 2 Saac Uu La Wadaagay Sheekh Muslim Ahi Sabab U Noqotay In Uu Muslimo

0
659

Abuja (Geeska)- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Nigeria ayaa muddo gaaban oo uu sheeko la wadaagay sheekh magaciisa la yidhaahdo Maxamed Alaba ku dhawaaqay in uu diinta islaamka rumeeyey. Ninkan 26 jirka ah oo magaciisa la yidhaahdo Kolo Comio Ketin markan uu muslimay waxa uu joogay guriga sheekhan oo ah daaci weyn oo u dhashay dalka Nigeria, kana masuul ah xarunta ururka caalamiga ah ee dhalinyarada muslimiintu ku leeyahay magaalada Lagos ee dalkaas oo uu deggen yahay.

Sheekh Alaba oo ka sheekeeyey qaabka uu u muslimay Kolo ayaa yidhi, "Salaad Cishaa'i kadib aniga oo jooga gurigayga ayaa albaabka la garaacay. Isla markiiba waxa aan u soo kacay in aan albaabka furo, waxa uu noqday qofkii albaabka garaacayey wiil dhalinyaro ah oo aanan garanayn, laakiin lahjadda uu ku hadlayey ahayd lahjadda qabiilkaygu ku hadlo, waan soo dhoweeyey, markii uu guriga soo galay waxa uu ii sheegay in uu ii sido sawir ceel ururkayagu ka qoday tuule ka mid ah dalka oo nin aanu saaxiib ahayn ii soo diray, iguna soo dhiibay ninkan dhalinyarada ah, oo aan filayo in Alle xikmad kale ka watay imaanshiyihiisa. Wiilkan oo aanu in yar is waraysannay waxa uu ii sheegay in uu shaqaale u yahay nin aan gartay oo ay asxaab yihiin saaxiibkayga sawirkan igu soo dhiibay"

Sheekh Alaba oo sii wada qisadan muslimidda ninkan dhalinyarada ah oo qoyskiisu yahay masiixi ayaa yidhi, "Markii uu inankani hore u soo galay qolkii aan ku soo dhoweeyey waxa uu isha ku dhuftay kabadh ay kutubi ka buuxdo kadib si layaab leh ayuu ii weydiiyey, "Waxan oo dhami ma Qur'aan baa?' Waxa aan fahmay waxa ku jira maskaxdiisa oo ah in Kiristaanku ay leeyihiin dhawr kitaab oo kala duwan, oo mid walba ay ku sheegaan kitaabkii Injiilka ee muqaddaska ah, kadib waxa aan u sheegay in kitaabka Qur'aanka ahi mid qudha yahay, oo aanu qaybo kala duwan lahayn. Waxa aan u sharraxay kutubtan ka buuxda kabadhka iyo waxa ay ku kala duwan yihiin.

Aniga iyo wiilkan waxa bartii nooga bilowday dood socotay laba saac, oo aan ugu sharraxaya tiirarka islaamka, macnaha islaamka, dhaqannada, akhlaaqda iyo aadaabta islaamku dadkiisa barayo iyo sida ugu habboon ee ay tahay in uu u noolaado qofka muslimka ahi. Waxa aan u sheegay in ay hubaal tahay in uu dhiman doono kadibna soo noolaan doono si loola xisaabtamo. Waxa aan u sharraxay waxa ay ku kala duwan yihiin islaamka, kiristanka iyo Yuhuuddu. Intii aan ku gudo jiray sharraxaadan waxa aan indhihiisa ka akhristay in uu soo dhowaaday, kadib waxa aan u soo bandhigay in uu muslimo, "Ka waran haddii aad nagu soo biirto, oo aad noqoto qof muslim ah?" ayaan ku idhi. Goobtii ayuu ku aqbalay in uu muslimo anna aan ugu qabtay ashahaadda.