Qaramada Midoobay Oo Dawladda Somaliya Ku Eedaysay Inay Hubka Ka Iibiso Dhinacyo Kale

0
515

Picture1Nayroobi(Geeska)-Warbixin ay soo saareen guddiga baadheyaasha Qaramada Midoobay ee la socodka cunoqabateynta hubka saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayay ku sheegeen in hubka Dowladda Soomaaliya weli lagu iibiyo suuqyada, waxaanay arrintaas ku xidhiidhiyeen dawladda Xasan Sheekh.

Xubnaha guddiga ayaa tilmaamay in weli hubka dawladdu soo iibsato uu weli ku dambeeyo gacmo qaldan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in hub dhowaan Dowladda Itoobiya ugu deeqday Dowladda Somaliya oo lagu xareeyay xerada Xalane lagu arkay iyadoo lagu kala gadanayo suuqyada magaalada Muqdisho isla markaana ay heleen muuqaalo muujinaaya iibsashada hubka.

Guddiga ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamada Dawladda ay ka dambeeyaan iibsashada hubka isla markaana ay ka faa’iideystaan had iyo jeer la xisaabtan xumida ka dhex jirta Hay’addaha amaanka Somaliya.

Ganacsatada hubka iibisa ayaa laga soo xigtay in wakiilo ka socda Ururka al-Shabaab in ay hubka ka iibsadaan mid kamid ah suuqyada.

Ma aha markii u horeysay Guddiga la socodka cunoqabatayna hubka saaran Soomaaliya ay ku eedeyso Dawladda Soomaaliya si sharci darro ah lagu iibsado Suuqyada Muqdisho.

Horaanti sanadkan ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in hubka ay Dowladda soo iibsato qaar kamid ah uu kusii dambeeyo gacanta ururka Al-Shabaab.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore ka qaaday Soomaaliya qeyb kamid ah xayiraadii hubka saarnayd.