Will Yar Oo Awoodda Caarada Oo Kale U Leh Koritaanka Gidaarrada

0
564

Tahran (Geeska)- Wiil yar oo u dhashay dalka Iiraan ayaa dad badan mucjiso ku noqday kadib markii lagu arkay awood Rabbaani ah oo uu gidaarrada ugu fanan karayo sida xasharaadka ay caaradu ka mid tahay, ama jilaaga filim carruureedka ‘Spiderman’.

Wiilkan yar oo Saddex sano jir ah, laguna magacaabo Aaraat Xusayni ayaa Fiidyow laga duubay isaga oo si aanay indhuhu rumaysan karin u fananaya gidaar siman, oo ka mid ah gurigooda ku yaalla magaalada Tahran ee caasimadda dalka Iiraan.

Aaraat Xiusayni oo cariyey cuf-is-jiidadka dhulka ayaa gidaarka koraya isaga oo aan waxba cuskan isla markaana aan gidaarka ka helin wax godad ama xaradh iyo meelo la qabsan karo ah oo uu fanashada gidaarka ka caawisa.

Ma’aha markii ugu horreysya ee wiilkan yar lagu arko isaga oo fananaya gidaarkan oo kale. Hore ayaa barnaamij ka baxa talefishanka dalka Iiraan loogu soo bandhigay wiilkan yar oo muruqyadiisa u adeegsanaya siyaabo yaab leh, oo aanay dadka waaweyni awoodi karin.

Aaraat Xusayni aabihii Muxamed iyo Hooyadii Faadima ayaa si weyn uga caawiya jimicsiga iyo in uu muujiyo waxyaabaha uu awoodda gaarka ah u leeyahay, iyada oo uu aabihii aaminsan yahay in jimicsiga iyo ciyaaruhu ay bacarimiyaan hibooyinka carruurta.

Fiidyoow la so odhigay barkulanka bulshada ee Instagram ayaa mar kale laga daawada wiilkan yar oo fananaya xadhig ka soo lusha saqafka saree e gurigooda.