Khatarta Caafimaad Ee Shandadda Dhabarku Ku Keento Ardayda Iyo Talooyinka Ku Habboon Ka Hortagga Dhibtaas

0
206

Hargeysa (Geeska)- Shandad dhabarta buugaagta lagu qaato oo aalaaba qaadisteedu ilmaha ku bilaabata marka uu dugsiga hoose bilaabo, lagana yaabo in uu sii sito illaa xilliga jaamacadda, mar kasta oo heerkiisa waxbarasho kor u kacana culayska shandadddu uu sii kordhayo. Waana sababta dugsiyada dunida qaarkood dugsiga dhexdiisa ugu sameeyeen kabadho arday kastaa ku ridan karo buugaagta aanu dugisga uga baahnayn, si uu ugu sii rito.

Dhibaatada caafimaad ee ay ilmaha ku keeni karto

Qolfoofka aadamaha waxa uu Alle u abuuray qaab ay u gudan karaan baahiyaha jidhka, kuna qaadi karaan culayska. Isbeddel kasta oo taban oo ku yimaadda jidhka ilmaha yarina waxa uu yaraynayaa shaqadii aasaasiga ahayd ee uu qolfoofku qabanayey, waxa aanay ku keenaysaa khatarta ah in uu baydho qaab dhismeedkoodu ama uu ku yimaaddo xanuun ka qabta dhabarka, raqabadda, saableyda iyo xitaa mararka qaarkood in neefsigu dhib ku noqdo ama qallooc uu geliyo lafaha qaybaha aynu soo sheegnay.

Khubarada caafimaadka ee arrintan u kuur gashayna waxa ay sheegayaan in miisaanka dabiiciga ah ee shandadda uu qofku qaadi karaa uu yahay in ay ugu badnaan boqolkiiba toban ka noqoto miisaankiisa.

Marka aynu soo koobna dhibaatooyinka shandadda dugsiyada ee carruurtu xambaartaa ku keeni karto caafimaadka ardayga waxaa ka mid ah:

– Garbaha iyo dhabarka oo qalloocda ama isu dheelli-tirnaantu ka lunto.

– Muruqyada jidhka qaybtiisa hore iyo qabtiisa dambe (Dhabarka xigta) oo khalkhal ku yimaaddo, waxaana dhacda in qaarkood ay xoogaystaan, qaarna daciif noqdaan, waana sababta keenaysa in qallooc ku yimaaddo joogga ama qaab-dhismeedka ilmaha, sida in garbuhu golxo yeeshaan, in qoortu hore u soo foorarsato, in dhabarku xoodmo, in saableydu cidhiidhi noqoto oo neefsigu ku adkaado. In laf-dhabartu dhan keliya u baydhi karto dhinacyada kalana diiddo ama xanuun ku noqoto u baydhistoodu, garbaha oo kala dheeraada, miskaha oo kala dheeraada, raqabad xanuun iyo dhabar xanuun. Shandadda dhabarka ee culus oo ardaygu uu muddo xambaaraa waxa ay ku keentaa madax xanuun, gacmaha iyo faraha oo kabuubyooda, wadnaha oo cidhiidh idareema sababtuna tahay qalooc ku imanaya saableyda. Xaaladahaas oo sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee Albayaan noqdaan xaalado aan laga bogsan oo ilmuhu weligii la noolaado.

Xalka iyo talada ku habboon

– Miisaanka shandaddu waa in aanu ka badan 500 oo Giraam (Kiiloo badhkii) waa marka ay madhan tahay ee, marka buugaagta ardaygu ku gurana waa in aanu miisaankeedu ka badan boqolkiiba 5 illaa 10 miisaana ilmuhu yahay.

– Shandadda labada suun xambaarkeeda loo isticmaalayo ayaa ka fiican in ilmuhu sidde keliya qabto, ama garab keliya suunka sudho sida inta badan dhacda.

– Suunka (Siddaha) garabka la sudhayaa waa in uu noqdaa mid ballaadhan oo qaro leh,  buushna ku jiro, si aanu dhaawac u gaadhsiin garabka.

– Shandadda dhabarka ku leh birta la jiido, waa in la hubiyaa in ilmuhu marka uu xambaaro, aanay birtaasi ku hagaagin dhabarka meel ku began laf dhabarta si aanay jug u gaadhsiin.

– Marka aad ilmahaaga shandadda u iibinayso waxa aad niyadda ku haysaa in ay ku habboonaato dhererka iyo miisaanka ilmaha.

– Dugsigu waa in uu ku dadaalo in ilmuhu uu lahaado jadwal cad oo hadba buugaagta uu maalintaas u leeyahay duruustooda uun uu qaato, si miisaanku u yaraado.

– In ilmaha loo sameeyo jimicsiyada fudud ee da’diisa ku habboon ee dhisaya muruqyada garbaha iy odhabarka, gaar ahaan dugsiga xiisadaha jimicsiga iyo ciyaarta in si cilmiyeysan muruqyadaas loogu dhiso si uu ilmaha dhabarkiisu awood ugu yeesho qaadista culayska shandadda.