Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Shalay Dalka Yimid

0
512

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dalka Sweden Somaliland ayaa socdaal ku yimid dalka.

Weftigan Xildhibaanada Sweden oo shalay dalka yimid,ayaa socdaalkooda waxa ku wehelinayey xubno u ololeeya qadiyada iyo madax banaanida Somaliland, iyo wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays,waxaana Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Agaasmiyaal ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Guuleed Cabdi Xasan, oo isagu ugu horeyn ka hadlay Xildhibaanadan iyo booqashada ay Somaliland ku yimaadeen ayaa yidhi “Maanta (shalay), waxaanu halkan ku soo dhaweeynaynaa Weftiga Safiirka Sweden inoo jooga, Safiir Sakariya, Weftigaas oo ka kooban, Safiir sharafeedka Yurub, oo muddo dheer inooga soo shaqeeynayey madax banaanida Somaliland, ninkaas oo aan imika ku cusbayn Somaliland, ee qadiyada Somaliland meelo fara badan gaadhsiiyey iyo Xubin ka mid ah Barlamaanka Sweden, markaas waxaanu ku soo dhaweeynaynaa Wadanka Somaliland, Caasimadda Hargeysa”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Maxamed Axmed Obsiiye, oo isna ka hadlaya weftigan ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweeynaynaa Weftiga ka socda dalka Sweden, Safiirka Somaliland u qaabilsan Midawga Yurub, Safiirkeena Sweden iyo Xildhibaanka ka socda Barlamaanka Sweden, kolay hawlo badan bay wadaan”.

Wasiirka warshada Somaliland Shucayb Mahmed Muuse, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Weftigan uu hogaaminayo Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Sweden, ee uu ka mid yahay Safiirka Somaliland ee midawga Yurub iyo Xildhibaanka ka socda Barlamaanka Sweden, waxaan leenahay dhammaantiina ku soo dhawaada Somaliland, runtii wada hadalka iyo waxa laga wada hadlayaa wey inoo dambayn doonayaan, laakiin waxay ku tusaysaa dhabaha ay Jamhuuriyada Somaliland ku socoto iyo cilaaqadka ay Somaliland la yeelanayso Caalamka”.

Safiirka Somaliland ee dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Safar todoba cisho ah ayaanu ku nimid dalka, weftigan ila socda gaar ahaan Xildhibaanka, waa markii ugu horeeysay ee uu yimaado dalkeena, waa Xildhibaan aanu aamisan nahay inuu qadiyada wax badan ka qaban doono”.

Dhinaca kale Xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Sweden iyo Safiirka Somaliland ee Midawga Yurub, oo iyana ka hadlay dareenkooda ku saabsan Safarkan ay ku yimaadeen Somaliland, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana ay ka shaqeeyn doonaan qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.