Wiil Uu Dhalay Horyaalkii Feedhka Culus Maxamed Cali Kalay Oo Magaca Maxamed Dartii Loogu Xidhay Maraykanka

0
724

Washington (Geeska)- Maxamed Cali ‘Junior’ waa wiilka keliya ee uu aabaha u yahay horyaalkii feedhka miisaanka culus Maxamed Cali Kalaay oo ahaa muslim u dhashay dalka Maraykanka oo muddo aan fogeyn geeriyooday.

Wiilkan sita magacii aabihii oo dhalasho ahaan Maraykanka madow ah ayaa dhowaan waaxda socdaalka ee dalka Maraykanku ay ku joojiyeen gegida diyaaradaha ee Florida, halkaas oo 7dii Bishan Feebarweri lagu xidhay muddo laba saac ah, kadib markii uu gegida diyaaradaha ka soo degay isaga iyo hooyadii oo ka soo noqday fasax uu la soo qaatay hooyadii oo ay ku tageen dalka Jamaica. Iyada oo sababta Maxamed Cali loo xidhay ay tahay keliya in uu muslim yahay, sida uu shaaciyey afhayeenkiisa Chris Mancini oo la hadlay degel internet ka ah oo ka faallooda wararka la xidhiidha dadka caanka ah, laakiin Maxamed Cali hooyadii iyada cidi ma’ay xidhin oo si caadiya ayaa ay gegida diyaaradaha uga baxday, markii ay bannaanka u baxday ayaana ay ogaatay in wiilkeedii la xidhay.

Maxamed Cali oo da’diisu 44 sano jir tahay iyo toddoba hablood oo ay kala dhaleen afar xaas ayaa uu aabo u ahaa Maxamed Cali Kalaay. Hooyadii oo lagu magacaabo Belinda Boyd ayaa muslimtay markii aabihii Kalaay uu guursaday sannadkii 1967-kii waxa aanay la baxday Khaliilah Cali, sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya, Maxamed Cali ‘Junior’ ayaa sheegay in gegida diyaaradaha laga qabtay si bilaa sabab ah, kadibna la geeyey qol yar oo xabsi oo kale ah, halkaasna ay ku waraysteen koox baadhayaal ah oo ay su’aalo ku weydiiyeen. Waxa uu sheegay in ay si gaar ah u weydiiyeen halka uu ka keenay magaca ugu qoran basaasaboorka ee Maxamed, sidoo kale waxa ay laba jeer weydiiyeen, ‘Ma muslim ayaa aad tahay?

Maxamed Cali waxa uu sheegay in uu doonayo in uu dacwad arrintan la xidhiidha ka furto maxkamadda.

In kasta oo uu madaxweyne Trump dhowaan soo saaray amar uu 7 dal oo muslimiin ah si ku-meel-gaadh ah ugaga joojinayey soo gelitaanka Maraykanka, laakiin maxkamad dalkaas ku taalla ayaa arrintaas joojisay, si kastaba ha ahaato ee Maxamed Cali isaga amarkaas qudhiisuna ma’ uu qabanayn oo waa muwaadin caadi ah oo Maraykan ah, sidoo kale waxa uu ka mid yahay dadka caanka ah ee dalkaas, arrimahaas oo su’aal gelinaya sababta loo xidhi karo, haddii aanay ahayn magaca iyo diinta uu haysto ee Islaamka oo keliya.