Google Oo Soo Saartay Farsamo Oo Lagula Socon Karo Farriimaha Aflagaadada Ah Ee La Isugu Gudbinayo

0
833

Washington (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Google iyo shirkadda raacsan ee Jigsaw ayaa khamiistii ina dhaaftay ku dhawaaqay farsamo cusub oo wakaaladaha iyo shabakadaha kala duwan ee wararka internet ka mariya ka caawinaya in ay la socdaan oo dhaqso u ogaadaan farriimaha iyo faallooyinka aflagaadada ah ee degelladooda lagu baahiyo.

Farsamadan cusub oo ah adeeg ay u bixiyeen magaca ah Perspective waxa ay awood u leedahay in ay dul istaagto erey kasta oo ku jira faallada ama farriinta kadibna ay barbar dhigto ereyada hore ugu diiwaangashan aflagaadada ee dadka macaamiisha ahi marar hore ku diiwaangeliyeen in ay yihiin ereyo meel ka dhac iyo aflagaado ah.

Barnaamijkan cusub ayaa tijaabo ahaan loogu isticmaalay degelka internet ka uu ku leeyahay wargeyska New York Times, waxa aanay shirkadaha Google iyo Jigsaw rajo ka qabaan in isticmaalka adeeggan lagu fidin doono shirkadaha wararka iyo wargeysyo kale oo ay ka mid yihiin Guardian iyo Economist iyo sidoo kale bogagga Internet ka.

Jared Cohen oo madax ka ah shirkadda Jigsaw ee ikhtiraacday adeeggan tiknaalajiyadeed ee cusub ayaa sheegay in barnaamijkani uu mustaqbalka noqon karo mid la sii horumariyo si loogu adeegsado la socoshada hadallada shakhsi weerarka ah iyo faallooyinka mawduuca laga hadlayo ka baxscan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera ayaa intaas ku daraya in Jared Cohen  uu sheegay in barnaamijka Perspective uu welli wejiyadiisii hore ee bilowga ahaa ku jiro. In kasta oo hadda uu afka ingiriisiga oo keliya ku shaqaynayana waxa uu rajaynayaa in dhaqso afaf kale loogu dari doono.