Madaxweyne Trump Waxa Uu Lacago Badan Ku Qaataa Filimo Iyo Barnaamijyo Talefishan Oo Uu Ka Qayb-Galay

0
599

Washington (Geeska)- Jilaaga filimada Hollywood caanka ku ah ee George Clooney ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha dalkiisa Donald Trump uu xubin muhiim ah ka yahay hal-doorka shirkadda filimada samaysa ee Hollywood, halka uu Steve Bannon oo ah ninka madaxda ka ah golaha xeel-dheerayaasha ee Trump la taliyaa uu isaguna ka yahay hal-abuur iyo qoraa filimada ah oo ku fashilmay hawshaas.

Waraysi uu Clooney siiyey talefishanka Faransiiska ah ee Canal Plus ayaa uu ku sheegay in madaxweyne Trump, uu xubinnimadiisa barnaamijkiisa talefishan ee The Apprentice uu sannad kasta ka qaado lacag aad u badan. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu Clooney yidhi, “Waxa uu sannad kasta 120 kun oo doolar ka qaataa sanduuqa faa’idooyinka ee ay leeyihiin jilayaasha talefishannada. Waa xubin ka tirsan hal-doorka Hollywood.

Donald Trump ayaa ka soo muuqday barnaamijyo badan oo talefishan iyo filimo, kuwaas oo laga xusi karo kaalinta uu ku lahaa filimka caanka ah ee ‘Home Alone’ qaybtiisa labaad, iyo taxanaha ‘The Fresh Prince if Bel Air’ oo isna uu kaalin ku lahaa, sidoo kale waxa uu soo-jeedin jiray barnaamijka talefishan ee caanka ah ee The Apprentice. Waxa la aaminsan yahay in barnaamijkan iyo barnaamijka kale ee the Celebrity Apprenctice uu illaa hadda oo markii uu bilaabay laga joogo 11 sano ka faa’iday wadarta lacag dhan 213.6 Bilyan oo doolar.