Wiil Uu Dhalay Feedhyahankii Maxamed Cali Kalaay, Oo Faqri Adag Ku Noolaa Ayaa Markii Uu Dhaxalkii Aabihii Qaybtiisa Qaatay Ka Baxsaday Xaaskiisa Iyo Labadiisii Hablood

0
561

1Washington (Geeska)- Maxamed Cali-ga yar, waa wiil uu dhalay feedhyahankii caanka ahaa ee dhowaan xijaabtay, Maxamed Cali Kalaay, Maxamed Yare muddo sannado ah ayaa uu ku noolaa faqri aad u daran, sababo aan illaa hadda la ogaanna uu deyro aan la sheegin uga ahaa qoyskiisa oo dhan iyo si gaar ah aabihii oo uu xitaa isagu kaga cawday in uu jaray. Laakiin geeridii aabihii ayaa noloshii Maxamed Yare madaxeeda si weyn u dhallaan giddiday, kadib markii uu tobannaan Milyan oo doolar ka helay qaybtiisa dhaxalkii aabihii ka tegey, ayaa ujeeddo aan cidi ogeyn uu mar keliya uga haajiray gurigiisii faqiirka ahaa iyo ciddii ku dhaqnaydba, waa xaaskiisii iyo labadiisii hablood ee.

Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail oo qoray warkan Geeska Afrika turjumay wiilka uu feedhyahanku dhalay oo dhaxalka aabihii qaybtiisa ka qaatay markii uu aabihii bil sii mootanaa, ayaa uu ka guuray gurigiisa ku yaallay xaafad ay degaan dadka fuqarada ah oo ku taalla koonfurta Chicago, waxa aanu u guuray xaafad isla magaaladan ah oo ay deggen yihiin dadka ladani.

Hantida uu ka tegey Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feedhyahanka keliya ee gaar loogu sharfay magaca ah boqorka Feedhka ayaa lagu qiyaasay 80 Milyan oo doolar, Saddexdii bishii Lixaad (June) ayaa ay carruurtiisu isugu yimaaddeen gobalka aabahood deggenaan jiray ee California si ay u dhaxladaan hantidii uu ka tegey aabahood, waana markaas marka uu daqiiqado gudahood maalqabeenka isu beddelay Maxamed yare oo uu aabihii isagu isugu magac daray, laakiin tobankii sano ee u dambeeyey aanu xidhiidhkoodu fiicnayn.

Wiilkan boqorka feedhku dhalay iyo xaaskiisa Shaakira iyo labadiisa hablood oo la kala yidhaahdo Amiirah iyo Shaakira ayaa tobankii sano ee u dambeeyey faqiirnimo darteed ku noolaa caawimada dadka ladani ugu samofalaan fuqarada.

Maxamed Cali Kalaay-ga yar ayaa sida warbixintan lagu sheegay maandooriyaha qabatimay, mar kastana waxa uu ku andacoon jiray in aabihii uu dayacay tan iyo carruurnimadii. Waxa uu sheegay in yaraantiisii aabihii iskaga tegey, kadibna uu soo maray nolol silic ah, waxa uu ka sheekeeyey in carruuraha da’ihiisa ahi ay daan-daansan jireen, iyaga oo xaqiraya marar bandanna garaaci jireen iyaga oo ku faanaya in horyaalka feedhka dunida wiilkiisa ay iyagu ka adag yihiin, mar uu dhowaan intii uu lacagtan helay warbaahinta u warramayna waxa uu yidhi, “Weligayba aabahay intii aanu dhiman waxba kama aan helin” Waxa uu sheegay in munaasabad loo sameeyey sannad guurada dhalashada aabihii intii uu noolaa oo ahayd xafladdii dhalasho ee ugu dambaysay  uu xafladda tegey oo aabihii is-arkeen, laakiin aanu aabihii mar dambe la soo xidhiidhin. Ninkan oo hadda 43 ahi waa wiilka keliya ee uu boqorka Feedhku aabaha u ahaa, ayaa hore si cad ugu sheegay in aanu dan ka lahayn wax kasta oo aabihii ku dhaca.