Sir-Fashilayaha Caanka Ah Ee Edward Snowden Oo Hal-Abuuray Tiknoolajiyad Cusub Oo Talefankaaga Ka Ilaalinaya In La Basaaso Iyo Cidda Ka Faa’idaysanaysa

0
613

Moscow (Geeska)- Basaaskii hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ee CIA muddooyinkii dambana caanka ku noqday fashilinta xogaha sirdoon ee Maraykanka Edward Snowden ayaa hal-abuuray Tiknoolajiyad cusub oo talefannada gacanta ka ilaalinaysa in qolyaha sirdoonku ay jabsadaan si ay macluumaadka ku jira ula baxaan ama u dhegeystaan.

1

Snowden oo kaashanaya nin ka mid ah budhcadda jabsata internet ka oo lagu magacaabo Andrew Hyung ayaa sameeyey qalab u samaysan sida galka Talefanka dusha laga geliyo ee baytariga wata oo talefanka ka ilaalinaya cid kasta oo isku dayda in ay dhegeysato ama jabsato xogta ku jirta.

Barnaamijkan ay iska kaashadeen basaaska hore iyo xeeldheeraha budhcadda internet ka ahaan jiray oo bilowgiisu ku shaqaynayo talefanka Casriga ah ee iPhone 6 ayaa la filayaa in haddii uu dhaqan galo uu si weyn ugu faa’idayn doono wariyeyaasha iyo dadka arrimaha siyaasadda iyo bulshada u dhaqdhaqaaqa oo inta badan ah kuwa ugu badan ee ay dawladuhu dhegeystaan, sidoo kale wax aka faa’idaysan doona cid kasta oo macluumaad iyo xogo xasaasi ahi ugu jiraan talefanka gacanta, ama sheekooyin sir ah ku gala, iyada oo la og yahay in imika ay sahal tahay in qolayaha sirdoonnadu iyaga oo adeegsanaya qalab tiknaalajiyadda ku shaqaynaya ay dhegeysan karaan talefannada gacanta ee casriga ah, xogta ku jirtana la bixi karaan xitaa marka uu bakhtiisan yahay ama adeegga talefanku ka go’an yahay.