Wiil U Dhashay Kenya Oo Ku Dhuuntay Taayirka Diyaarad Isaga Gooshaysay Laba Dal

0
731

Wiil u dhashay dalka Kenya ayaa si mucjiso ah geeri uga badbaaday kaddib markii uu ku dhuuntay taayirka diyaarad isaga gooshaysay magaalooyinka Ingiriiska iyo Holand.

Sida uu ku warramayo wargeyska Standard ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa, wiilkani waxa uu halkan ku dhuumanayey muddo hal saac ka badan oo ay diyaaraddu safarkan ku jirtay, waxa aanu u sigtay in uu u dhinto qabowga xad dhaafka ah ee ka jiray hawada sare.

Wiilkan ayaa si dhuumasho ah ku soo galay garoonka diyaaradaha ee London, kaddib waxa uu galay taayirka diyaarad Air bus A330 ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha dalka Turkigu, kaddib isaga oo xaaladdiisa caafimaad aad u adagtahay ayaa uu godkan kasoo baxay markii ay diyaaraddu fadhiisatay garoon ku yaalla magaalada Limburg ee dalka Holland.

Diyaaraddan oo ku socotay joog dhan 5 kun oo mitir ayaa dhex maraysay qabow hawadu ay baraf tahay, taas oo mucjiso ka dhigtay badbaadista wiilkan. Waxaana la bilaabay baadhitaanno lagu ogaanayo sida ay arrintani ku dhacday.

Diyaaraddan ayaa maalin ka hor imaanshiyaheeda London waxa ay ka duushay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, iyada oo sii martay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Inkasta oo weli la aaminsan yahay in wiilkani uu diyaaradda ka raacay London, maadaama oo masaafad intaas ka badan aanay noloshiisu suurtagasheen, haddana afhayeen u hadlay garoonka diyaaradaha Stansted ee dalka Ingiriiska oo ah halka ay diyaaraddu ka soo duushay ayaa ku doodaya in aanay jirin caddayn sheegaysa in wiilkan 16 jirka ahi uu diyaaradda ka raacay madaarkan Ingiriiska, taas oo sida uu hadalka u dhigay noqonaysa in uu ka soo raacay Nairobi ama Istanbuul.