Ma Ogtahay In Ilmuu Aanu Ciyaarta La’aanteed Si Fiican U Kori Karin

0
253

Xarkaad iyo hawl kasta oo uu ilmuhu sameeyo si qorshaysan ama aan ku talagal ahayni waxa uu u horseedaa maweelo iyo furfurnaan nafsaddiisu aanay ka maarmayn. Waxa aanay saynisyahannadu aaminsan yihiin in ciyaartu ay tahay sees lagama maarmaan u ah koritaanka aqooneed, jiritaan, jidheed iyo bulsho ee ilmaha maadaama oo ay ka caawinayso in uu fahmo dunida iyo in uu xakamayn karo cabsiyaha ku xeeran nolosha. Noocyada kala duwan ee ciyaarta ay dhexdooda ciyaarayaan carruurtu, oo xaaladaha ay marayso qaarkood ku tababarayaan la macaamilka cabsida. Muranka si dhexgelaya ee marar gacan ka hadalka ka ka gaadhaya oo ay ka barayaan sida ay tahay in bani’aadamku u macaamilo, sida uu qofku dareenkiisa u xakamayn karo iyo guud ahaan xidhiidhka bulshada, iyo midka ugu muhiimsan oo ah in ilmuhu ku tababarto siyaabaha ay tahay in khilaafka loo xalliyo. Waxaas oo dhami waa duruus uu ilmuhu ka heli karo oo keliya carruurta ku xeeran.

Waxa kale oo ay xeeldheereyaasha barbaarinta ubadku sheegeen in ilmaha oo ubadka kale dhexgala oo la ciyaaraa ay u kordhiso kalsoonida nafta, sida oo kalana ay kobciso xirfadihiisa xidhiidhka bulshada, afka, iyo guud ahaan waxbarashada. Waxa aanay ka digeen in ilmaha oo xiisayn waaya la ciyaarista carruurta kale ay calaamad u noqon karto in uu jiro khalkhal dhinaca koritaanka ah, muhiimna ay tahay in dhakhtar la tuso, marka dabeecaddaas lagu arko.

Warbixin arrintan ku saabsan oo ay shabakadda Aljazeera daabacday ayaa iyada oo sii iftiiminaysa faa’idooyinka aynu soo xusnay ee carruurtu ka helaan ciyaarta waxa ay u kala dhigtay sidan soo socota:

  1. Waxa ay muhiim u tahay koritaanka aqooneed, jiritaan, jidheed iyo bulsho ee ilmaha.
  2. Waxa ay kobicisaa xirfadaha caadifadeed iyo dareennada qofka, tusaale ahaan goor ay qiiradu ku habboon tahay iyo marka ay tahay in uu dhagax iska dhigo.

3 Waxa ay kobcisaa oo tababartaa isku xidhnaata qaybaha maskaxdu ka kooban tahay.

  1. Waxa ay dhistaa nafta ku kalsoonaanteeda.
  2. Waxa ay kor u qaaddaa xaaladda nafsiyadeed ee ilmaha.
  3. Waxa ay kobcisaa awoodaha ilmaha ee luuqadda iyo waxbarashada.
  4. Waxa kale oo aad u muhiim ah in ciyaarta carruurtu ay soo saarto cilladaha iyo khalkhalka laga yaabo in uu maskax ahaan ilmaha ku jiro, iyo haddii ay jiraan cillado dhinaca koritaanka ahi. Waayo marka uu la ciyaaro carruurta faciisa ah ayaa ay galdaloolooyinka jiraa u muuqdaan dadka waaweyn eek u xeeran.
  5. Waxa ay horumarisaa xirfadaha jidheed ee ilmaha.

Ciyaartu waxa ay ilmaha bartaa wax aanay dugsiga ku baran

Stuart Brown oo ah dhakhtar aasaasay maxad lagu magacaabo ‘National Institute for Play’ ayaa sheegay in ciyaartu ay qayb ka tahay waxbarashada carruurta oo ku barta casharro noloshooda saamayn ku leh oo aanay ka baran waxbarashada rasmiga ah ee fasalka. Ilmuhu si uu u kasbado guur farxadeed, si uu u helo saaxiibbo daacad ah iyo si uu u barto dad ay hawlaha adduun iyo shaqo wadaag noqdaan oo fiican waxaa qasab ah in uu marka hore si fiican u yaqaanno sida ay tahay in uu dadka ula xidhiidho. Xidhiidhka bulshadu waa xirfadda ugu muhiimsan ee ay tahay in ay carruurta oo dhami bartaan si ay noloshooda dambe uga faa’iidaystaan. Stuart Brown waxa uu sheegay in ciyaarta iyo la falgalka bulsho ee carruurta kale ay tahay akademiyadda barashada xirfadaha bulsho. Maadaama oo ilmuhu marka uu ciyaarayo uu dareemo xorriyad iyo in uu doonistiisa iyo jacaylkiisa ku socdo, sida oo kalana ku qasbanyahay in uu wada xaajood, xal raadin iyo heshiis ama dagaal iyo wax iska celin kagao dhibaatooyinka inta ay ciyaartu socoto soo dhexgala isaga iyo carruruta kale waxa ay arrintani ku tababartaa xakamaynta cadhada, go’aanaadashada.

Hal abuur iyo humaag arag

Ilmuhu inta uu ciyaarayo waxa uu la kulmayaa dareenno ala duwan, oo taagdarro iyo quwad, sarrayn iyo hoosayn, warwar iyo wahsi labadaba, arrintani waxa ay bartaa in uu xakamayn karo xaaladaha nafsiga ah iyo in uu faham u yeesho siyaabaha ay tahay in uu naftiisa uu uga  dabiibo xanuunnada nafsiga ah. Marka uu weynaado waxa uu noqdaa shakhsi awood u leh in uu xaaladdiisa nafsadeed la tacaalo.

Mar kale ciyaarta carruurta waxaa inta badan ku jira maloawaal, tusaale ahaan in midkood uu iska dhigo askari, tuug, macallin, neef xoolaha ama shakhsiyad kale oo uu xiisaynayo, kaddib waxa uu u dhaqmaa sida ciddaas uu iska dhigay. Waa hab maskaxda ilmaha ku tababaraya in yeelan karto humaag arag fiican iyo in waxa uu doonayo uu humaagayn karo ama sawir khayal ah uga dhigi karo maskaxdiisa ama maskaxda cidda uu ka dhaadhicinayo.

Patrick Bateson, oo ah baresare oo ka tirsan jaamacadda Cambridge ayaa  sheegay in carruurta oo fursad loo siiyo ciyaartu ay qayb weyn ka qaadato hal abuurka. Ilmaha oo ciyaarta ka baqa ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay jirto sabab kallifaysa oo inta badna la xidhiidha cabsi uu ka qabao badqabkiisa. Marka uu ilmuhu ciyaari waayo isaga oo dhinaca kalana ku guda jira waxbarashada oo aad u culus, waxa  ay ku sababtaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda awooddii garaadka ilmaha, waxa aanay yaraysaa awoodda hal abuur ee maskaxdiisa.

Haddii aanu ilmuhu ciyaar fursad u helin maxaa ku dhaca?

Hal abuurkiisa oo hoos u dhaca.

Farxadda oo ku yaraata ilmaha.

Hoos u dhac ku yimaadda awoodda iska xakamaynta iyo adkaanta nafta.

Waxaa lagu arki karaa habdhaqan ay cadaawadi ku ladhantahay.

Sannadkii 2009 ayaa Stuart Brown waxa uu baadhis ku sameeyey noloshii carruurnimo ee tiro ka mid ah dhalinyaro dembiyo dil ah geystay. Stuart iyo cilmibaadhayaasha wehelinayey waxa ay filayeen in ay heli doonaan taariikhda muujinaysa in dembiilayaashani ay carruurnimadii soo mareen nolol cadaawad iyo dhibaatayn jidheed leh, laakiin waxaa yaab ku noqotay markii ay ogaadeen in carruurtani waxa keliya ee ay ka sinnaayeen uu ahaa in waalidkood siyaabo kala duwan ciyaarta oo dha nuga mamnuucay. Waxa ay xeeldheereyaashani daraasaddan ku ogaadeen in ciyaar ka joojintaasi ay tahay sababta ugu weyn ee ay ugu dhiirradeen dembiga ay galeen. Xaaladda ay soo mareen ayaa sabab u nootay xanuunno nafsiya oo kala duwan, waxaa ka mid ahaa ilmaha oo farxad la’aan iyo hoog dareema, taas oo gaadha illaa heer uu naftiisa ama dadka kale galaafto. Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu iftiimisay in dadka hab abuurka ah iyo dadka guulaha ka gaadhay noloshu ay inta badan ka siman yihiin carruurnimadoodii oo ay heleen ciyaar ku filan kuna habboon, taasina ay maskaxdooda u furtay hal abuurka iyo in ay si togan u fikiraan.

Waxaa ku bata dhibaatooyinka nafsiga ah, sida qulubka, walbahaarka iyo niyadjabka.

Ilmaha oo ciyaarta iyo maaweelada laga hor istaagaa waxa ay keentaa miisaankiisa oo aad u kardha, hal abuurka oo hoos u dhaca iyo fal dambiyeedyada oo u uku dhiirrado.

Peter Gray ayaa buug uu soo saaray 2013 kii waxyaabaha uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa saamaynta taban ee ay ciyaar la’aantu ku yeelan karto koritaanka maskaxeed ee ilmaha. “Kor u kaca ku yimi heerka carruurta lagu arkayo khalkhalka dhinaca maskaxda ahi waxa ay aad ugu xidhan tahay hoos u dhaca ku yimi xoriyaddii ay carruurtu ku ciyaari lahayd” ayaa uu sheegay Peter Gray, waxa aanu ku taliyey in carruurta la siiyo waqti dheeraad ah oo ay fursad u helaan ciyaarta ay jecel yihiin.

Waajahidda shaashadaha

Isbedbeddelka bulsho iyuo raadadka ay tiknoolajiyaddu ku yeelatay nolosha casriga ahi waxa ay si weyn saamayn ugu yeesheen ciyaartii carruurta iyo watiga ay u helayaan in ay facooda la ciyaaraan. Haddaba si loo xakameeyo in teknoolajiyadu ay la wareegto guud ahaanba waqtiyadii uu firaaqada heli lahaa ilmuhu,  baresare Patrick Bateson ayaa waalidka kula talinaya in ay tallaabooyinkan hoose qaadaan.

  1. Ilmuhu waa in uu maalin kasta helaa hal saaca oo ah ciyaar uu xor yahay waxa uu xorriyadiisa ku doortay.
  2. Waa in la yareeyaa waqtiga uu ilmuhu ku qaadanayo shaashaddu aanu maalintii ka badan hal saac illaa 2 saac.
  3. Ilmaha laba sano ka yar waa in laga ilaaliyo shaashadda sida TV-ga, taleefannada gacanta iwm.
  4. In qolalka hurdada ee carruurta laga dhigo meel ka caaggan shaashadda oo dhan, taleefanka gacanta, ciyaaraha kombiyuutartka, talefishanka, iyo gebi ahaanba ciyaaraha elektarooniga ah.
  5. In xilliyada ciyaarta jidheed, cuntada iyo marka hawli ilmaha u taallo laga ilaaliyo in isaga oo hawsha wada ay haddana ha dhinac baxaan codad ama muusika Talefishanka, talefanka gacanta ama qalabka kale ee lagu ciyaaro. Dhammaad.