Haddii La Isku Daro Fayraska Dunida Ku Faafsan Oo Dhan Ma Buuxinayo Caag Yar Oo Kuwa Sharaabka Ah

0
752

Dhammaan Fayrasyada dunida guudeeda yaalla haddii la isku daro ma buuxinayo caagga 330 mililitir ah ee sharaabka soodhaha leh laga cabbo.

Warbixin uu faafiyey wargeyska ‘The independent’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa uu qoraaga Matt Mathers ku sheegay in Dr. Keith Yutz oo ah bare ka tirsan jaamacadda Bath ee dalka Ingiriisku cilmibaadhis uu sameeyey ku ogaaday in tirada Fayraska Coronavirus ee dunida guudkeeda jooga ilbidhiqsi kasta ay tahay ku dhowaad laba Tirilyan oo gobol.

Dr. Yutz waxa uu sheegay in arrinta calool xumada iyo amakaagga lihi ay tahay in fayraska Corona ee aynu ognahay in uu sannadkii hore sababay dhimashadii iyo dhantaalkii hab nololeedka adduunka oo dhan in tiradiisu ay dhibco yar ka yahay xaddiga fayraskan oo ah tiradii ugu badnayd ee ay taariikhda aadamuhu diiwaangeliso.