Wiil Dhallinyaro Ah Oo Duleedka Hargeysa Isku Habeen Ku Aroosay Laba Hablood

28
3800

Faraweyne(Geeska)-Maxamed Cabdi Muxumed ayaa habeen hore ku guursaday laba hablood deegaanka Gadhyogol oo ka mid ah degmada Faraweyne, kaas oo arooska aqalgalkooda isku mar ku qabtay goob kaliya.

Maxamed iyo labadiisa dumarka ah oo kala ah Suhuur Cabdi Iidle iyo Rooda Cismaan ayaa Gadhyogol xaflad aroos oo aad loo abaabulay  loogu qabtay, waxaana wararka wargeyska Geeska Afrika uu helay ay intaas ku darayaan inay labadan gabdhood ahaayeen kuwo meher ahaan kala horeeyay balse arooskooda uun la mideeyay. Dhallinyaro badan oo arooskaas ka qayb gashay ayaa arooska u tiriyay heeso iyo gabayo badan oo ammaan, waxaanay Alle uga baryeen inuu kala siiyo ubad khayr qaba.

Muddooyinkan dambe waxa dalka gaar ahaan deegaanada ku teedsan magaalada  Hargeysa ku soo badanaya arooska loo qabto wiil hal mar wada aroosa laba hablood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here