Abwaan Hadraawi Oo Beeniyay Warar Been Abuur Ah Oo Ay Dad Aan Masuuliyiin Ahayni Ka Baahiyeen

39
3524

Hargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi ayaa ka soo muuqday warbaahinta isaga oo beeninaaya warar dhiilo leh oo sheegay in uu geeriyooday, kuwaas oo ay baahiyeen dad aan masuuliyiin ahayn oo faafiyay wararkaas beenta ah.

Abwaanka aadka caanka ugu ah guud ahaan dadka Soomaalida dhexdooda oo Jimcii shalay ku tukaday qaar ka mid ah masaajidada magaalada Hargeysa ayaa si kooban u yidhi, “waykan, waxaas waxba kama jiraan”

Sida oo kale wiil uu adeer u yahay  oo u waramayay Telefishanka Goobjoog ayaa warkaas ku tilmaamay mid aan sax ahayn oo ah war ay bulshadu ka xumaatay, waxaanu guud ahaanba dadka Soomaalid ah ugu celceliyay in aanu wax dhibaato ah qabin abwaanku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here