Wiil 14 Sano Jir Ah Oo Noqday Qofkii Abid Ugu Da’ Yaraa Ee Ka Qalin Jebiya Jaamacad Fiisigis Ah

0
494

Washington (Geeska)- Wiil yar oo 14 sano jir ah oo lagu magacaabo Carson Huey-You ayaa noqday qofkii abid ugu da’da yaraa ee jaamacad Sayniska ah ka qalinjebiya isaga oo da’daas ah.

Carson ayaa sabtidii toddobaadkan waxa uu ka mid noqday arday ka qalinjebisay jaamacada Taxes Christain, isaga oo qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga Fiisigiska, waxa aanu sidaas ku noqday mid ka mid ah dadka tirada yar ee taariikhda dunida soo maray ee iyaga oo da’daas ah ka qalinjebiyey jaamacad.

Carson waa wiil shakhsiyaddiisu caadi tahay, xidhiidhadiisa bulsho, dabeecadihiisa iyo anshaxiisuna aanay waxba ka duwanayn dadka caadiga ah..

Waraysi uu wargeyska caanka ah ee Washington Post la yeeshay Carson hooyadii si uu uga waraysto xaaladaha wiilkan ayaa ay u sheegtay in wiilkeeda Carson iyo walaalkiisa ka yar oo ay waxbarashadiisa ka muuqdaan calaamado muujinayo in uu hayo jidka walaalkii ay ku nool yihiin mid ka mid ah xaafadaha caadiga ah, hab-dhaqankooda iyo hab-nololeedka waalidkood mariyeyna aanay waxba ka duwanayn ka caadiga ah. “Waa run in ay aad u maskax badan yihiin, laakiin waa qayb uun ka mid ah shakhsiyaddooda, runtooduna waa in ay yihiin laba carruur ah oo caadiya, oo ciyaara, loollan iyo dagaal dhex maro, filimada daawada, isla markaana lagu arko dhammaan dabeecadaha iyo ciyaaraha lagu arko carruuraha kale” ayaa ay tidhi Carson hooyadii oo lagu magacaabo Kemp.

Kemp oo ah hooyo ka baxday jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka ayaa mar uu wargeysku wax ka weydiiyey sida ay carruurteeda ula macaamisho marka ay guriga joogaan waxa ay sheegtay in ay leeyihiin qol u gaar ah akhriska iyo waxbarashada, kaas oo ay u diyaarisay isla maalintii uu Carson oo curadkeeda ahi socod baradka noqday, markii da’diisu labada sano gaadhayna ay Carson u bilowday in ay wax ku dul akhrido, si uu akhriska u barto, iyada oo u dhiibi jirtay buugaag uu iska dhigo in uu akhriyayo, markii uu saddex sano gaadhay ayaa uu Carson bilaabay in uu hooyadii ka codsado in ay tirada barto.

Kemp waxa ay sheegtay in intii ka horreysay Shan jirka ay wiilkeedan guriga wax ugu dhigi jirtay, markii uu da’dan gaadhayna ay u dirtay dugsiga, laakiin fasal sare looga bilaabay maadaama oo markiiba ay muuqatay in fahamkiisa waxbarashadu aad u sarreeyo, wax badanna guriga ku bartay.

Kemp waxa ay sheegtay maadaama oo uu wiilkeedu sannado yar gudahood ku dhammaystay dugsiga in ay ku adkaatay in ay u hesho jaamacad aqbasha in ay qorto da’diisa awgeed, laakiin aakhirkii ay aqbashay jaamacadda Taxes ee uu sabtidii dhammaystay isaga oo 14 sano jir ah.