Cunto Kijada Laga Helo Ayaa Loo Isticmaali Karaa Dawo Kaarjebin Ah Oo Kiniinka Ka Tayo Badan

0
851

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa isla marka ay dareemaan madax xanuun, xubno olol, casiraad ama kaar kale waxa ay dhaqso u raadsadaan dawo kaarjebin ah. Laakiin dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dawooyinka kaarjebinta ahi ay leeyihiin raad taban oo khatar ku ah caafimaadka, muddada fogna dhibaato weyn ku keeni kara.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda Al-Carabiya waxa ay ku eegaysaa cuntooyin guryaha aad looga helo oo ay daraasadaha caafimaadku caddeeyeen in dawooyinka kaarjebinta ah lagaga maarmi karo, isla markaana dawo ay ka noqon karaan xanuunno badan. Cuntooyinkaas dawo ahaanta loo isticmaali karo waxaa ka mid ah:

1. Sinjibiisha: Jidh ololka, xaglo xanuunka, bararka, muruqyo xanuunka.

2. Qolofalka: Waa dawo muddo qarniyo ah loo isticmaali jiray, karaka, ololka iyo xanuunnada ilkaha iyo cirridka.

3. Toonta: Haddii dhego xanuun aad isku aragto ha ku degdegin dawada dhibcaha ah, waxaa kugu filan in aad laba dhibcood oo saliidda toonta ah laba jeer maalin kasta ku shubto dhegta ku xanuunaysa, muddo shan maalmood ah ayaad ku dareemi doontaa caafimaad.

4. Kalluunka: Kalluunka noocyadiisa ay ku badan tahay asiidhka dufanka ah ee Omega3 sida Salamoonka, Saradiinka iyo tuunaha, waxaa lagu daweeeyaa xanuunnadak u dhaca caloosha, dheefshiidka oo si fiican u shaqayn waaya, iyo guud ahaan xanuunnada iyo caabuqa midhicirada.

5. Boorashka: Boorashku waxa uu yareeyaa calool xanuunka, xanuunka makaanka ee dumar badani isku arkaan, sida oo kale waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aan qofka ka ilaaliya ololka jidhka.

6. Cinabka: Cilmibaadhis cusub ayaa shaaca ka qaadday in cinabka oo maalin kasta la cunaa ay dabciso xididdada dhiigga, taasina ay wanaajiso wareegga dhiigga.

7. Malabka: Malabka oo ah dawo dabiici ah oo cudurro badan lagu dabiibo, ayaa ay khubaradu sheegeen in uu ka dawo yahay dhibaatooyinka caafimaad ee afka, dibnaha oo dil-dillaaca, iyo dillaaca ama nabarrada afka gudihiisa.

8. Biyaha: Ku dadaal in subax kasta aan maalintaada ku bilowdo koob biyo ah, waayo biyaha arroorta hore waxa ay daweeyaan cago xanuunka, jilbo iyo garbo xanuunka, sida oo kale waxa ay qooyaan nudaha, taas oo caawisa in ay qofka ka tagaan xaaladaha keena kaarka jiyo jidh ololka.