Hay’adda GRT Oo Qabatay Kulan Ku Saabsan Xanuunnada Dhimirka & Dedaallada Wax Lagaga Qabanayo

0
625

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa furay kulan ku saabsanaa Xanuunnada Dhimirka ee Somaliland iyo dedaallada Hay’adda GRT u gashay sidii loo caawin lahaa Dadka Qaba Xanuunnada dhimirka.

Kulankan oo ay Shalay qabatay Hay’adda GRT oo ah Hay’ad Caalamiya oo laga leeyahay Dalka Talyaaniga, iyadoo Gacan ka helaysa Hay’ad kale oo Magaceedu yahay Italian Agency for Devepment, ayaa waxa lagu faaqiday Xanuunnada Dhimirka ee ka jira Somaliland, Marxaladaha kala duwan ee ay maraan Dadka Xanuunnadaa qaba iyo dedaallada ay Hay’adda GRT iyo kuwa la midka ahi ugu jiraan sidii loola tacaali lahaa Caafimaadka Dadka la nool Cudurrada Maskaxda ku dhaca.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, Isku-duwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobollada Dalka, Xubno ka socday Ururrada Maxaliga ah ee daneeya Taageerada Dadka qaba Xanuunada Dhimirka, Khuburo ka socotay Jaamacadaha Dalka iyo Dad kale, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland SaleebaanJaamac Diiriye, waxaanu tafaasiil ka bixiyey siyaalaha Dadka Soomaalidu ula dhaqmaan Qofka qaba Xanuunnada Dhimirka, waxaanu yidhi “Innaga ayay innagu xidhan tahay sidii aynu ula Macaamili lahayn ee aynu u wanaajin lahayn (Dadka Qaba Xannuunada dhimirka). Wakhtibaa jirtay Qofka Curyaanka ah la iska dhaafi jiray, laakiin imika isbeddel bay gaadheen, oo Qofka Curyaanka ahi wuu shaqeystaa, Gaadhi yar buu wataa, halkaad marto ayuu marayaa. Markaa tanna waynu ka bixi kareynaa (Takoorka Qofka Xanuunka Dhimirka qaba). Dadka Taageera (Dadka Xanuunnadaa qabaa) ee ILAAHAY ka cabsanaya waxaan leeyahay ILAAHAY ha idinka abaal-mariyo, Aniguna waxaan halkan u joogaa inaan u taageero.”

Agaasimaha Qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa Dr. Mustafe Cismaan Xirsi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay “Hay’adda GRT waxay nala qabatay sidii aanu u joojin lahayn Silsiladda Bukaanka lagu xidhayo, waanuna ku guuleysanay in dhammaan Bukaannada ku nool Cisbitaalka Guud ee Hargeysa aan lagu xidhin wax Silsilad ah, taasina waa guul ay keeneen Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Hay’adda GRT.”

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, oo isaguna hadal kooban ka soo jeediyey kulankaasi, ayaa yidhi “Hawshan Shan Sano ayay wadeen (Hay’adahani), waxaanuna rajeynaynaa inay deeqo kale noo raadin doonaa, oo Cisbitaallada Dhimirka ee Waddanka oo dhami ay ka wada qayb-qaataan.”

Agaasime Axmed Xaaji Cumar Askar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dadka qaba Xanuunnada Dhimirku waa Dad u baahan in si gaar ah loo daryeelo, waana hawl culus oo Cid keliya wax kama qaban karto, waa Dadka xiisaynaya iyo Mushtamaca oo dhan oo Gacmaha is-qabsada ayaa (wax ka qaban kara)..”

Dr. Askar wuxuu u Mahad-naqay Hay’adaha GRT iyo Hay’adda Italian Agency for Devepment, “Waxaan u Mahad-naqayaa Hay’adda Italian Agency for Devepment oo wax ku lahaa dhaqaalihii hore ee ay bixiyeen iyo waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Hay’adda GRT.” Ayuu yidhi.

Dr. Bulxan oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay Ahmiyadda ku jirta in la Caawiyo Dadka la nool Xanuunnada Dhimirka, “Waxa laguu keenayaa Qof ay u taag-waayeen Walaal iyo Waalidba, marka aad wax u qabanto Adigoo kaashanaya ILAAHAY, Berri ka maalinna lagu yidhaahdo Ninkii (aad daweysay) waakan oo wuu wanaagsan yahay (Bogsaday) Boqol jeer ka wanaagsan Lacag lagu siiyo (Farxadda aad dareemayso Awgeed).”

Madaxa Hay’adda Italian Agency for Devepment oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ka warramay kaalinta ay Hay’addoodu ka qaadato Goobaha lagu daryeelo Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka, waxaanu sheegay inay Muddo dheer ka shaqeynayeen Taageerada iyo Daryeelka Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka, imikana Diyaar u yihiin.

Madaxa Hay’adda GRT, ayaa isaguna halkaa ka sheegay inay Shaqada ku saabsan Taageerada sidii Caafimaad u heli lahaayeen Dadka Qaba Xanuunnada Dhimirka ee ku jira Cisbitaallada Somaliland ay Hay’adda GRT ay Somaliland ka bilowday Sannadkii 1996-kii, illaa Xilligana wadaan dedaalkaasi.

Masuulkani wuxuu halkaa ku soo bandhigay dhukumantari Hay’addu ka samaysay Cisbitaallada Dhimirka ee Hay’addu wax u qabatay, isagoo tusaale u soo qaatay Cisbitaalka guud ee Hargeysa, qaybtiisa Xanuunnada Dhimirka oo uu sheegay inay ku guuleysteen inaan Dadka Xanuunnadan Qaba aan lagu xidhin Silsilad, maaddaama oo Xadhiggu qayb ka yahay Xanuunka Dhimirka waxyaabaha keena ama sii kordhiya.

Sidoo kale, Masuulkani wuxuu tusaaleyaal ka bixiyey waxyaabaha keena Xanuunnada Dhimirka, waxaanu tilmaamay inay ka mid Shaqo la’aanta, Rejo La’aanta iyo Xirfad La’aanta oo hormood u ah in Qofku waayo Shaqo uu ku faraxsan yahay.

Waxa kale oo ka madhnayn in Xanuunnada dhimirka ee Dadka reer Somaliland qaarkood qabaan ay Salka ku hayaan Dagaalladii hore uga dhacay Somaliland.

Ugu dambayn, kulankan oo Hal Maalin ahaa, ayaa waxa lagu faaqiday siyaalaha loola dagaalami karo Hababka Khaldan ee Dadku ula Macaamilaan Dadka Xanuunnada Dhimirka qaba iyo Takoorka lagu hayo.