Whatsapp, Facebook Iyo Youtube Oo Xidhay Akoonnada Xubnaha Daalibaan Iyo Twitter Oo Ogolaaday

0
1084

Tan iyo markii uu ururka Daalibaanku la wareegay magaalada Kabul, waxaa warbaahinta bulshada si weyn u haystay dareennada kala duwan ee ay dadyowga adduunka oo dhami arrintan ka bixinayaan. Sidao o kale waxaa markii ugu horreysay lagu baraarugay masuuliyiinta ururka Daalibaan oo isticmaalaya baraha bulshada, arrintaas oo baryaha qaar dadku u arkayeen wax aan suurtagal ka ahayn, su’aalo badanna iska weydiinayeen waxa ay dawladda Daalibaan dhistaa ka yeeli doonto isticmaalka baraha bulshada. Masuuliyiintani waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen farriimo.

Haddaba shabakadaha xidhiidhka bulshada ayaa ku kala aragti duwanaaday waxa ay ka yeelayaan isticmaalka Daalibaan. Facebook ayaa sheegay in uu sii wadi doono xayiraad uu hore ururka Daalibaan uga saaray isticmaalka shabakaddiisa. Isaga oo taas ku sababeeyey in ururku uu weli ku jiro liiska argagaxisada. Masuuliiinta Facebook waxa ay sheegeen in shirkaddu ay samaysay hawlwadeenno iyo xeeldheereyaal u dhashay Afqaanistaan oo shaqadoodu tahay in ay la socdaan, isla markaana tirtiraan farriimaha iyo muuqaalla ururka u danta ah ee lagu faafiyo Facebook. Waxa kale oo ay tallaabo adag ka qaaday shabakaddeeda xidhiidhka ee WhatsApp, oo ay sheegtay in ay ka xidhidhi doonto ururka Daalibaan.Sida uu ku warramayo wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ‘dhowaan ayaa masuuliyiinta Daalibaanku markii ay qabsadeen dalkaas, waxa ay sameeyeen lambarro WhatsApp ah oo ay muwaadiniintu ku soo gudbinayaan cabashadooda’.

Shabakadda TikTok ayaa iyaduna mamnuucista Daalibaan ku dartay dadka taageereyaasha u ah ama faafiya wax Daalibaan u dan ah, oo ay u sheegtay in ay ka xidhidhi doonto shabakadda. Masuul ka tirsan TikTok ayaa shabakadda CNBC ee Maraykanka waxa uu u sheegay in TikTok uu Daalibaan u aqoonsan yahay urur Argagaxiso, sidaas awgeed uu sii wadi doono tirtirista waxyaabaha ay ku faafiyaan Tiktok ama lagu ammaanayo iyo wax kasta oo iyaga taageero u ah.

Shirkadda YouTube ayaa iyaduna mamnuucyada in Daalibaan ay akoonno ka furato, maadaama oo ururku uu ku jirto liiska dhinacyada ay dawladda Maraykanku mamnuucyada in lala macaamilo. YouTube waxa ay ku hanjabtay in ay xidhi doonto kanaal kasta oo ay furato cid lagu ogyahay taageerada Daalibaan, ama faafisa waxyaabo u dan ah Daalibaanka. Si kastaba ha ahaato ee shabakadda Twitter ka ayaa iyadu qaadatay go’aan ka duwan kaas ay qaateen shirkadaha xidhiidhka bulshada ee ah xidhista, Warbixin ay soo saartay ayaanay ku sheegtay in muhiimaddeeda koowaad ay tahay ilaalinta badqabka dadka, si dhowna ay weli ula socoto wixii arrimahaas la xidhiidha. Twitter waxa ay sheegtay in ay si aad ah ula socon doonto dadka isticmaala shabakaddeeda si ay u hubiso cid kasta oo laga yaabo in ay meel ka dhac ku tahay siyaasadaha shabakadda, oo ay ka mid yihiin in la mamnuuco rabshadaha, khiyaamada iyo faafinaha ujeedooyinka xun laga leeyahay.

Dad u badan kuwa siyaasadaha midigta raacsan ayaa shabakadda Twitter ku dhaliilay ogolaanshiyaha isticmaalka xubnaha ururka Daalibaan. Waxaa ka mid ah wiilka labaad ee madaxweynihii hore ee Maraykanka, Eric Trump oo sida muuqda ka xun in Twitter kii aabihii ka xidhay boggiisu uu haddana Daalibaan diyaar u yahay in ay akoonno ku yeeshaan, “Qosol badanaa, Twitter waxa uu ina leeyahay Daalibaan waa ay sii isticmaali kartaa Twitter ka, haddii ay dhowrto xeerarka ka yaalla. Dhinaca kalana shabakadda Facebook ayaa iyaduna lagu dhaliilay in ay xidhay xisaabaha ururka Daalibaan. Waxa si gaar ah loogu dhaliilay xidhista akoonka wadaadka ku xigeenka ka ah Daalibaan ee Mullah Baraadar oo muddo dheer ay dawladda Maraykanku wada xaajood uu kaga wakiil yahay Daalibaan kula lahayd dalka Qatar.