Somaliland: Xukuumadda Oo Muddo Gaaban Gudaheed Ku Xidhay Dad Ka Badan ‘Kun Iyo Boqol Qof’

0
808

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in muddo kooban gudaheed ay ku xidhay Dad ka badan 1100 Qof, kuwaasi oo ku eedaysan ka Ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha, kaasi oo faro baas ku haya Somaliland.

Maandooriyaha Khamriga iyo Noocyada kale ee Maanka Dooriya ayaa Somaliland aad ugu soo badanaya, iyadoo si joogto ah Ciidammada kala duwan ee amnigu ay u qabqabtaan Gaadiid lagu sido Maandooriye, sidaasi awgeed bay Xukuumaddu sheegtay inay kordhisay hawl-gallada lagula dagaalamayo, si looga hor-tago, taasi oo illaa hadda keliftay in Xabsiyada la dhigo Dad ka badan 1100 Qof.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hadal dheer ka jeediyey Xidhitaanka kulan diimeed lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumaddu kordhisay hawl-gallada lagaga hor-tagayo Maandooriyaha dalka ku soo qulqulaya, sidoo kalena la wado Wacyi-gelin arrintaa la xidhiidha.

Wasiirka oo faahfaahinaya tirada Dadka ay u xidheen kiisaska Khamriga ayaa yidhi  “Annaga oo ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, Booliska, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Warfaafintu waxaanu iska kaashanaynaa olole ah la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaanu hadda haynaa 1100 iyo jarjar Maxbuus oo lagu qabtay Khamri iyo Xashiishad.”

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu sheegay “Haddaynaa Culimo iyo Dawlad iskugu tagin miyey Carruurteenu bedbaadaysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Boolisku waxay na tuseen boqollaal kiish oo ay ku jirto Xashiishad. Walaalayaal Dadkaa marka la xidho (Xashiishadda ku eedaysan) Dadka ka daba yimaadda ee nafta noo keenaa waa Waalidiinta iyo Dadka waayeelka ah ee yidhaahda soo daaya, markaa ma Sharciga ayaynu ku qornaa Xashiishadda iyo khamrigu waa Fasax..” ?

Wasiirku wuxuu soo jeediyey in meel looga soo wada jeedsado la dagaalanka Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, maaddaama oo hadda ku dhow yahay inuu Guri kasta galo isla-markaana Xaaladdu meel aan wanaagsanayn gaadhay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office