Wasiirka Diinta Iyo Awaafta Oo Codsaday In La Siidaayo 5 Nin Oo Loo Xidhay Inay Diinta Kiristaanka Qaateen, Dalkana Ku Faafinayeen

0
737

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka codsatay in xorriyaddooda loo soo celiyo 5 Qof oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo loo xidhay inay ka baxeen Diinta Islaamka isla-markaana ay Diinta Kiristaanka ku faafinayeen Dalka gudihiisa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somalilad Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex u gudbiyey Warqad uu kaga codsanayo ama kaga dalbanayo in Xorriyaddooda loo soo celiyo Shanta qof ee Soomaalida ah, kuwaasi oo uu sheegay in lix fadhi oo uu Goob-joog ka ahaa oo lala yeeshay Dadkaasi ka dib ay ka toobad keeneen qaadashada Diinta Kiristaanka, sidaasi darteed uu codsanayo in xorriyaddooda loo soo celiyo.

Warqadda oo uu nuqul ka mid ah helay Telefiishanka Saab isla-markaana uu baahiyey ayaa u qornayd sidan “Guddoomiye, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa War-bixinta Guddigii aan u Magacaabay Qancinta iyo kala xaajoodka Xubnaha ku eedaysan inay Diinta Kiristaanka galeen ama ay faafiyeen, kuwaasi oo ah 5 xubnood. Guddigaasi oo aan Wasiir ahaan si Shaqsi ah goob-joog ka ahaa lix kulan oo aan la yeelanay eedaysaneyaasha iyo Wada-hadallo u badnaa Qancin iyo Dood, waxa nasiib-wanaag noo ahayd in Wada-hadalkaasi ku dhamaaday inay qireen Tawxiidka, kana Towbad keeneen wixii ka dhacay ee aanay u qasdin inay Diinta ka baxaan ama Cid kale ka saaraan, sidaas ayayna kaga tawbad keeneen tuhunkii ahaa inay gaaloobeen ama ay Cid gaalaysiiyeen, sidaasi awgeed waxaan soo jeedinayaa in la Cafiyo, loogana dhigo Edbin intii ay xidhnaayeen, ishana lagu hayo dhaqdhaqaaqooda.”

Dhanka kale, Xogo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegaya in Maxkamaddu aqbashay codsiga Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland isla-markaana la siidaayey Shanta Nin oo dhamaantood u dhashay Somaliland sida la sheegay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office