Weriye Yuhuudi Ah Oo Noqday Qofka Keliya Ee Ay Illaa Hadda Dawladda Masar U Ogolaatay In Uu Booqdo Xabaasha Mursi

0
973

Qaahira (Geeska)- Talefishanka KAN oo ay leedahay dawladda Israel ayaa Arbacadii 19-ka Jun sii daayey warbixin uu weriyihiisa Rawci Kays ka sameeyey dhimashada madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi.

Weriyaha oo warbixintan ka diyaariyey gudaha dalka Masar ayaa muuqaallada meelaha uu tegey ee uu soo bandhigay waxaa ka mid ah qabriga Maxamed Mursi oo uu gudaha u galay xabaalaha degmada Nasar ee magaalada Qaahira.

Weriye Kays oo talefishanka KAN u qaabilsan arrimaha Bariga Dhexe iyo Carabta iyo hawlwadeennada la socday ayaa magaalada Qaahira tegey arooryadii hore ee Salaasada oo ah isla maalinta la aasayey Maxamed Mursi. Waxa aanay booqdeen Qabriga Mursi oo aasnaa muddo 24 saacadood ka yar.

Booqashada weriyaha Yuhuudiga ahi ku tegey Qabriga Mursi oo ay siyaasad ahaan aad u kala fogaayeen Israa’iil, waxa ay timi iyada oo ciidamada ammaanka ee dalka Masar si adag u ilaalinayaan xabaasha Mursi iyo guud ahaan qubuuraha uu ku aasan yahay, si muwaadiniinta Masaarida oo ehelka iyo asxaabta Mursi ku jiraan iyo warfidiyeennada looga hor istaago in ay booqdaan xabaasha.

Madaxweyne Mursi oo Isniintii 17-ka Juun ku geeriyooday maxkamadda oo ay dacwadi kaga socotay gudaheeda, ayaa saacado gudahood ay xeer ilaalinta dalku sheegtay in baadhitaan ay maydka ku samaysay, uu caddaynayo in aan jidh dil loo geysan. Waxa aanay amar ku bixisay in dhaqso loo aaso.

Dawladda Masar ayaa diiday in maydka Mursi ay ku tukato ama aaskiisa ka soo qaybgasho cid aan ahayn qoyskiisa. Waxa kale oo qoyska loo diiday in ay tacsi ku dhigaan gurigooda Qaahira ama degmada uu ku dhashay ee Sharqiya iyo in ay guriga timaaddo cid tacsiyadaynaysaa.

Waxa kale oo hore qoyska loogu diiday in maydka Mursi lagu aaso xabaalaha qoyskooda oo ku yaalla degmada uu ku dhashay, taas beddelkeedana waxa ay dawladdu ku aastay xabaalo ku yaalla Qaahira oo ay ku aasan yihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan ururka Akhwaanul Muslimiinka iyada oo xilligii aaskana la diiday in wax muuqaallo ama sawirro ah laga qaado.

Weriyaha Israa’iiliga ah ayaa warbixintiisa laga daawaday isaga oo dhex wareegaya magaalada Qaahira, isla markaana sheegaya in dhimashada Maxamed Mursi ee saacado ka hor ahayd, aanay waxba ka beddelin xaaladda xasiloonda ahayd ee magaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here