“Dalka Ka Dhici Mayso Doorasho Af Duub Ah, Oo Dano Gaar Ah Laga Leeyahay”

0
669

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xisbiyada UCID iyo Kulmiye cadaalad daro ku wada socdaan, waxaanu xusay in aan la qaban karin Doorasho iyo Diiwaangelin aan heshiis lagu wada ahayn, waxaanu Komishanka ugu baaqay inay is casilaan.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay in aanay sas iyo baqdin ka qaadin Shirka labada Beelood ee Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ee la filayo inuu dhawaan dhaco, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiyada UCID iyo Kulmiye “Cadaalad daro ayey isku bihaysteen Xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo aan ku tilmaami karo in aanay diyaar u ahayn Doorasho cadaalad ahi inay dhacdo,  markaas iyada oo aan laga heshiin waxaa la isku hayo ee ay ka mid yihiin Komishanka iyo arimaha Doorashada Diiwaangelin laba qaban karo,markaas laba Xisbi Doorasho ma gali karaan, dalka ka dhici mayso Doorasho af duub ah, oo dano gaar ah laga leeyahay, Xisbiga Waddani diyaar uma ah, ee wuxuu  Xisbigu diyaar u yahay inuu galo Doorasho cad oo cadaalad ku saleeysan, laba Xisbina ma qabsan karaan Doorasho, oo Sharciga dalka ayaan ogolayn, oo aan raali ka ahayn”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinka waxaa u roon inay qajilaan oo ay is casilaan, si aanu wakhtigu dib ugu soo dhicin, oo loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay, haddii uu Madaxweynuhu kala diri waayeyna, waa inay iyagu si toos ah isku casilaan, oo aanay meesha sii joogin”.

Mar uu ka hadlaayey Shirka labada Beelood ayaa yidhi “Shirka loo qabanayo Beelaha Habar Yoonis iyo Habar Jeclo, waa mid ka mid ah Shirarka ay awalba Beeluhu qabsan jireen, Shirkana waa Shir labada Beelood arimahooda kaga wada hadli doonaan, oo wax kasta dhex yaala kaga arinsanayaan, Shirkani inuu qaranka faa’iido u yeesho mooye, maaha Shir nabada iyo qaranka waxyeelo ku noqonaya, ee Xukuumaddu yaanay waxba sas ka qaadin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here