Talooyin Caawinaya In La Yareeyo Ama Xal Loo Helo Urta Aan Fiicnayn Ee Neefta Afka

0
1094

Hargeyska (Geeska)- Urta aan fiicnayn ee dadka qaar afkooda ku arkaan waxa ay keentaa culays iyo diiqad badan oo ku timaadda bulsho dhexgalkooda iyo u dhowaanshiyaha dadka. Sababaha ugu badan ee urtan keena waxaa ka mid ah nadaafad darro afka ah, waayo waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in bakteeriya afka ku ururtay ay sababto in ay sii deyso sun iyo in ay maydho ama milan ku samayso hadhaagii cuntada ee carrabka iyo ilkaha ku jiray, una beddesho ur aan fiicnayn.

Laakiin, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday shabakadda Alcarabiya, taas oo keliya sababtu ma’aha ee waxa kale oo urta aan fiicnayn ee afka keena gaabis ku yimaadda shaqada qanjaha dhuunta ku yaalal ee Tayroodhka loo yaqaanno iyo xannuunka macaanka. Waxa kale oo keena xanuunnada ku dhaca cirridka, Suuska ilkaha, qaar ka mid ah xanuunnada ama cilladaha caafimaad ee ku dhaca habdhiska dheefshiidka qofka iyo Sanbuurka oo caabuq keena.

Waxaa jira habab badan oo loola dagaalami karo urta aan fiicnayn ee afka, waxaa ka mid ah in xanuunnada aynu soo sheegnay inta la daweyn karo la daweeyo inta kalana lala tacaalo. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in lagu dadaalo cunista noocyada cunto ee aynu hoos ku xusnay:

  1. Caleenta nacnaaca: Caleenta nacnaaca oo ka mid ah caleemaha muddooyinkan dambe Soomaalidu isticmaalkooda baratay, marar badanna ku beerato guryaha, ayaa in la calaashadaa ay tahay hab fiican oo lagula dagaalami karo urta afka.
  2. Sinjibiisha: Sinjibiisha oo marka horeba xanuunno kala duwan daweyntooda caawisa, ayaa markanna ay khubaradu sheegayaan in calaalinteedu ay ka takhalusto urta aan fiicnayn ee afka.

Digniin: Dadka dhiigkarka leh waxaa lagula talinayaa in aanay aad u badsan cunista sinjibiisha oo la dagaalanta xinjirowga dhiigga.

  1. Tufaaxa: Tufaaxa waxaa ku jirta maadadda ‘Polyphenol’ oo awood u leh in afka iyo ilkaha si dabiici ah u nadiifiso, taas oo dilaysa bakteeriyada afka ku jirta ee sababi lahayd urta aan fiicnayn.
  2. Koostada: Khudradda cagaarani waxa ay hodan ku tahay maadadda ‘Polyphenol’ waxaana ka mid ah Koostada oo ay si aad ah ugu badan tahay maadaddan aynu soo sheegnay in ay la dagaalanto urta afka.

Faa’iidooyinka kale ee Koostada waxaa ka mid ah in ay isu dheellitirto heerka asiidhka jidhka, taas oo caawisa in jidhku aanu ingagin.

  1. Qolofalka: Qolofalka ayaa ka mid ah cuntooyinka la dagaalama urta aan fiicnayn ee afka. Waxa uu awood u leeyahay in uu burburiyo iskudhisyada ‘Salfar’ ee afka dhex duulaya, waxa aanu afka ku reebaa urtiisa fiican.
  2. Liin macaanta: Liin macaanta iyo cunto kasta oo qani ku ah Faytamiinka ‘C’ waxa ay awood u leedahay in ay si dabiici ah u yarayso urta aan fiicnayn ee afka. Faytamiin ‘C’ waxa uu burburiyaa bakteeriyada afka ee sababi karta urta aan fiicnayn, waxa aanu afka u ilaaliyaa qoyaanka, maadaama oo uu kordhiyo dhareerka ay qanjuhu soo saarayaan, Waayo afka gudihiisa oo qoyaanku ku yaraado ama qallayl noqdaa waxa ay sababtaa in uu ur keeno.
  3. Shaaha Cagaaran: Shaaha cagaarani waxa uu caan ku yahay in uu la dagaalamo bakteeriyada sababaysa urta aan fiicnayn ee afka, waxa aanu si dabiici ah u nadiifiyaa afka.
  4. Biyaha: Biyo cabbistu waa habka ugu fudud uguna waxtarka badan ee la iskaga daweyn karo urta aan fiicnayn ee Afka. Sababtuna waa in ingagga ay ka ilaalinay ingagga oo ka mid ah sababaha keena urta aan fiicnayn ee afka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here