Weriye geeriyooday iyada oo toos looga daawanayo Talefishannada oo uu difaacayo madaxweyne Bashaar Al-Asad: Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

0
437

 

Masar- Tifaftirihiii Jariidadda toddobaadlaha ah ee Al-Anwaar Caadil Al-Gawgari oo u dhashay dalka Masar ayaa faalig dhaqso nafta uga qaaday ku dhuftay xilli uu ka qayb galayey dood aad u kulul oo oo ku aaddan maamulka madaxweyne Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya iyo kacdoonnada ay shacabku is beddelka ku doonayaan ee dalkaa muddada sannadka ka badan ka socday. Gawgeri oo ahaa saxafi iyo qoraa caan ah waxa uu geerihyooday arbacadii toddobaadkii dhowaa, mar uu fadhiyey Istuudyaha talefishanka Al-Xadas ee xaruntiisu tahay magaalada Qaahira, isaga oo si adag u difaacayey nidaamka Bashaar Al-Asad iyo xasuuqa ay ciidamada Asad geysnayaan.

Wariye ka tirsan talefishanka Al-Xadath oo lagu magacaabo Muxamed Cabdalcaal ayaa xidhiidhinayey dooddan la dhex dhigay Caadi iyo nin mucaaradka Suuriya ka mid ah oo ka tirsan ciidamada kacdoonka ee loog yaqaanno Ciidanka Suuriya ee Xorta ah, Kornayl Xusaam-Addiin Alcawaad. Iyada oo dooddu meel aad u adag maraysa ayaa mar keliya lagu war helay Gawgeri oo madaxa saaray miiska, ilbidhiqsiyo kadibna ka dhacay kursiga oo dhulka u dhacay, arrintaas oo isku dhex daadasho iyo or-orod ku keentay Istuudyaha, dad badan ayaa markii u horreysay u qaatay in uu Gawgeri miyir beelay, laakiin intii aan cisbitaalkaba loo qaadin ayaa ay caddaatay in uu mayd yahay.

Markii marxuumkan saxafiga ahi geeriyooday waxa ay doodda oo aad u kululi maraysay mawduuca la xidhiidha hubaynta ciidamada kacdoonka ee ka soo hor jeeda Bashaar Al-Asad, 13 daqiiqo ayaa ay dooddu socotay markii ay Gawgeri naftu ka baxday, waxa aanu aad ugu doodayey in kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda nidaamka Bashaar Al-Asad ay yihiin dad dalka burbur iyo nidaam la’aan u horseedaya. Ninka ay doodda isku hayeen ee Cawaadd ayaa Gawgeri ku celiyey su’aal ah sida uu damiirkiisu u siiyey in uu difaaco madaxweyne gacmaha ku leh dhiiggii muwaadiniinta uu u taliyo, oo ay ciidamadiisu si bilaa sabab ah u laynayaan dad shacab ah oo u badan dumar, carruur iyo waayeel. Gawgeri oo aad u cadhaysan ayaa ugu jawaabay, “Waxa aanu difaacaynaa wadaniyadda iyo qawmiyadda Carbeed, abidna waaanu sii wadi doonnaa taageeridda Bashaar” Gawgeri waxa uu aad u sii cadhooday markii Cawaad uu ku yidhi, “Adiga iyo Bashaarba waxa aad dabadhilif u tihiin Israel”

Saxafiga barnaamijka daadihinayey oo dhimashada Gawgeri ka hadlaya ayaa yidhi, “Markii ay dooddu socotay muddo 13 daqiiqo ah iyada oo uu markaa hadalka watay kornayl Cawaad ayaan isha darafkeeda ka milicsaday in Gawgeri uu u fadhiyo si aan dabiici ahayn iyo in calaamadihii sakaraadku ay wejigiisa ka muqudaan, kibad inta uu miiska madaxa saaray ayuu haddana dhulka ku dhacay”

Gawgeri waxa uu ahaa 56 jir waxa aanu tifaftire ka yahay jariidada Al-Anwaar oo toddobaadle ah, iyo majaladda Alqad Al-Carabi, isla markaana waa agaasimaha xarunta carbeed ee saxaafadda iyo baahinta, waxa aanu bilihii dambe caan ku noqday in uu si adag u difaaco xukuumadda Bashaar Al-Asad.