Hargaysa( Geeska )- Urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa xaflad balaadhan ku soo bandhigay 11 murashax oo uu ugu talo galay inay u tartamaan golaha deegaanka ee magaalada Hargaysa.
Munaasibada lagu soo bandhigay murashaxiinta cusub ee ururka xaqsoor ayaa lagu qabtay Hotel Crown ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin urursiyaasiyeedkaas,marti sharaf kala duwan oo ka socday, golaha baarlamanka, xukuumada, salaadiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo tira badan.
Murashaxiintan isku soo taagtay doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargaysa oo halkaas ka hadashay ayaa u mahadnaqay hogaanka urur siyaasiyeedka Xaqsoor iyo bulshada taageerada u muujisayba, waxaanay musharaxiintan codsadeen in la taageero loona codeeyo si ay wax u qabtaan, waxa kale oo ay sheegeen inay keeni doonaan aragtiyahii lagu maarayn lahaa dhibaatooyinka ka taagan magaalada caasimada ah ee Hargaysa, laguna gaadhsiin lahaa caasimadaha kale ee dunida horumartay.
Gudoomiya ku xigeenka koowaad ee urursiyaasiyeedka Xaqsoor Cali Maxamuud ( Cali Sandule ) oo madashaas ururka Xaqsoor ku soo bandhigaayay 11-ka musharax ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay soo bandhigitaanka musharaxiintan tirada badan oo uu ku macneeyay kuwo si fiican ay umadda Somaliland uga soo eegeen, waxaanu ugu danbayntii sheegay Cali Sandule in ururkoodu uu soo gabogabayn doono murashaxiinta golaha deegnka uga tartami doonta bisha ramadaan ee fooda inigu soo haysa.
Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ku hadlay afka madaxdhaqameedka ayaa si diiran u soo dhaweeyay musharaxiintan darsinka ku dhawayd, waxanu u rajeeyay inay soo baxaan iyaga urur siyaasiyeedkooda Xaqsoorab.
Murashaxiinta golaha deegaanka ee urur siyaasiyeedka Xaqsoor uu soo bandhigay ee tiradeedu ahay 11-ka ayaa kala ahaa Eng.Maxmed Maxamed Aadan, Yurub Abiib Cabdi, Adan Cabdi Hereri, Cabdixakiin Gaaxnuug, Deeq Ducaale, Eng.Xaashi Cumar Cige, Eng.Cabdilaahi Siciid, Maxamed Cabdi Yuusuf, Axmed Yuusuf, Axmed Maxamed Muumin, Asad Cali Cabdi.
Gudomiya urur siyaasiyeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo ugu danbayntii xafladaas ay ku soo bandhigayeen murashaxiinta badan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay murashaxiinta, waxaanu ku macneeyay darsinkan murashaxiinta ah sidii loo yarayn lahaa xafladaha lagu soo bandhigaayo oo uu ku tilmaamay hanaan casriya, waxaanu ku celceliyay inay murashaxiintaas ay yihiin kuwo xul ah, isaga oo si kal iyo laab ah u amaanay shaqooyinka ay soo qabteen iyo heerkooda aqooneedba. “Ururka Xaqsoor laba-talaabo oo uu qaaday ayuu majare cusub uu ugu jeexay siyaasada dalka Somaliland, talaabadii hore waxay ahayd magacaabida Cali Maxamud Cali Sandule oo aan ahayn magacaabis qof ee ahayd magacaabis cadaalad iyo xaq ka maqnaa dalkan Somaliland, waxaan aaminsanahay in arintaas ay wax badan ka badashay dareenkii iyo dagaalkii ka taagnaa bariga wadanka, waanan ugu talo galnay. Raggii qoriga ka soo ridayay bariga markii ay maqleen magacaabida Cali Sandule, qorigii way hakiyeen oo waxa u cadaatay in aanay talo ka dhamaan dalkan Somaliland, inay rag wali ku nool yahiin ayay cadaysay, rag cadaalada ku dhiiran kara oo aaminsan oo aan ka gabanayan inay wali wadanka joogaan ayay aamineen oo ay qaateen, wax weyn ayay ka badhashay arintaas, illaahayna haynoo sii barakeeyo.” Ayaa uu yidhi xasan Ciise Jaamac, waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata uu yidhi “Talaabada labaad oo iyaduna sidaas oo kale ah waxaanu qaadnay markii aan magacawnay Axmed Cabdi Kaahin oo isaguna ka soo jeeda galbeedka Shishe, halkaasna hanbalyo wayn ayaa ka timi, oo gobalkaas waxa uu dareemay xaq ka maqnaa ka sokow abaal wayn oo ay ku lahaayeen Somaliland in la gartay maanta, iyadana ulakas ayaan u samaynay, iyada oo aan gobaladii hore ee hogaanka ka tirsanaa aan iyaga meesha laga saarayn, ayaan garanay meeshu way inaqaadaysaa oo inaga badan, gobaladaas bariga shishe iyo galbeedka shishe inbadan ayaa la garan la’aa ilaahayna maanta waa uu ina garansiiyay, waanaynu u aayi doona.”
Muj.Xasan Ciise Jaamac isaga oo ka hadlaaya damacooda ku waajahan afarta madaxweyne ku xigeen waxa uu yidhi “ Taas oo kaliyaata maaha ee ururka Xaqsoor waxa uu qorshaynayaa in marka ugu horaysa ee aynu fursad helno in aynu dastuurka dalka wax ka badalno, waxaynu ku talo jirnaa oo gudoomiye ku xigeenadan aanu sidan ka dhignay ay hordhac u tahay in aynu samayno markay ugu yartahay Afar madaxweyne ku xigeen, Afar madaxweyne ku xigeena ma badna, dastuurka Somaliland in sidaas loo badalo ayay danteenu ku jirtaa meeshuna inaga badan oo ingu filan, waana in aynu madaxweyne ku xigeenada kordhino oo bari iyo galbeedba laga muuqdo ayaan ku talo jirnaa, gobolada uu Awdal ka midka yahayna midnaantoodii way leeyahiin, in kuwana meesha aynu keeno oo doorkooda iyo wakhtigooda aynu siino.” Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday gudoomiyaha urur siyaasiyeedka Xaqsoor Xasan Ciise sidan “ Markaynu sidaas yeelno Somaliland bari iyo galbeedba waynu wada hanankarnaa, waxa kaliya ee dadka lagu hanankaraa maaha lacag la baxiyo sida ay dadka qaar aaminsan yahiin ee waa cadaalad, horaanalaynuugu sheegay oo dadka waxa la deeqsiin karaa cadaalad iyo akhlaaq wanaagsan, labadaas ayuu ururkan Xaqsoor doonayaa inuu Somaliland ku mideeyo oo uu ku horkaco oo uu ugu xaqsooro