Weli Ma Is Weydiisay Sababta Xilliga Farxadda Badani Jirto Iyo Xilliga Murugadaba Uu Qofku Ilmeeyo

0
991

Washington (Geeska)- In badan ayaa aynu aragnaa qosol indhaha ilmo ka keena, ama war farxad leh oo bishaaradiisu kaa oohisay, laakiin waxaa laga yaabaa in aynaan aad isu weydiin sababta keentay in ilmada oo aynu ku ogeyn in ay murugada iyo cadhada xidhiidh la’ leedahay ay markan farxaddiina sababto ilmo.

warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa uu intaas ku daray in cilmibaadhiso kala duwani ay daahfureen in oohintu ay tahay hab abuur ah oo uu jidhkeenu iskaga ilaaliyo in shucuurta xoogga badani ay jiidato. Haddii aynu si kale u dhigno, oohintu waa jawaab celint taban oo uu jidhku ka bixiyo shucuurta farxadda xoogga ah leh, si uu u xoojiyo isu dheellitirnaanta caadifadeed ee maskaxda laga rabo.

In kasta oo ay daraasadaha cilmiga ahi sidaas u sharraxeen sababta ilmadu u timaaddo xilliga farxadda, haddana sida ay ku warramayso Oriana Aragon oo ah xeeldheere ka tirsan jaamacadda Yale ee dalka Maraykanka, waxa weli khubarada cilminafsiga iyo dad badan oo kalaba ku adag in ay qaataan in oohin oo lagu yaqaanno murugo iyo arrin tabani ay timaaddo xilli lagu jiro xaalad farxadeed oo togan.

Cilmibaadhis ay samaysay Oriana Aragon oo natiijadeeda  ay laba sano ka hor faafisay majaladda ‘Psychological Science’ ee dalka Maraykanka ka soo baxday, waxa ay ku caddaysay in aadamuhu uu leeyahay awood abuur ah oo uu hal mar laba cabbiraadood ama ishaaro oo is burinaya bixin karo. Cilmibaadhistu waxa ay ogaatay in ‘Ilmada farxaddu’ ay tahay hab si aan ku talagal ahayn u yimaadda oo uu jidhku ku dhaqaaqo marka ay xaalad farxadeed oo aad u xad dhaaf ahi ku timaaddo, si uu u ilaaliyo isu dheellitirnaanta nafadeed ee qofka.

Maskaxdu si ay nafsadda qofka uga difaacdo in farxadda badani ay isu dheellitirnaanta ka lumiso waxa ay markiiba dhiirrigelinaysaa ilmada oo shucuurtaas farxadeed badhxaysa.