Shacabka Xaafadda Cabdi Iidaan Oo Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Ganacsato Ku Eedeeyay Boob Dhul Danguud Ah

0
811

Hargeysa(Geeska):-Dadweynaha ku dhaqan xaafada Cabdi Iidaan ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey dhulkii danta guud ahaa ee karasharka oo wasiirka hawlaha guud ku wareejiyey ganacsadaha ina xarbi.

Dadweynahan oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay baahi ay u qabaan dhulkaas danta guud ah, iyaga oo sheegay inaanay guud ahaanb xaafada cabdi Iidaan lahayn dugsi sare, masaajid, xarun caafimaad iyo garoomo ay ku ciyaaraan caruurtu, sidaas darteedna ay baahi u qabaan in dhulkaas looga sameeyo goobo ay ku qabsadaan adeegyadaas.

Gudoomiyaha xaafada Cabdi Iidaan ee Hargeysa Axmed Cali Cilmi ayaa wasiir cali Mareexaan ku eedeeyeey inuu dhul boob baahsan wado waxaanu yidhi “Dhul boobka uu wado wasiir Cali Mareexaan waa mid  taxan Boorama, Burco, Berbera iyo Hargeysa meel aanay arintaasi ka taagnayna ma jirto, waxaanan leeyahay wasiir Cali Mareexaan iyo inta la socota meeshani meel kuu cuntamaysa maaha, Waxaan leeyahay madax dhaqameedka wasiir Cali Mareexaan iyo inta la socota  waa inay iska diyaariyaan magta caruurtii ku dhimatay baliyada ay ka qodeen karasharka arin lagaga hadhayana maaha, meeshana yaanay kolba kaabad yar u samaysan, anaga oo halkaas dagan inta la dayro oo lagu noolaado oo laga soo bixi doono waa wax aan dhici doonin.”

Oday Maxamed Jaamac Cigaal oo ka mid ah waayeelka xaafada Cabdi Iidaan ayaa isaguna ka hadlay dhulkan ay wasaarada hawlaha guud iibinayso “waxa wadanka laga iibsaday guryihii ingiriisku dhisay iyo kuwii faqashtu dhistay maantana garoon yar oo banaan oo aanu is nidhi caruurta ku koriya ayaa nalagu haystaa dagaal iyo rabash ayaanay taagan tahay, waxaanan leenahay raga qalooca wata waa in nalaga qabtaa intaan rabshad iyo mushkilad wayni iman, madaxweynahana waxaanu leenahay naga qabo kuwa dambiga iyo dagaalka doonaya”

Maxamed Cali Kaahin oo isaguna ka mid ah dadka naafada ah ee degan xaafada Cabdi Iidaan ayaa ka waramay baahida ay u qabaan dhulkaas banaan waxaanu yidhi “Xaafadani ma laha dugsi sare iyo  masaajid ay ku tukadaan salaadaha ciidaha, waxaana ku yaalay dhul dan guud ah oo uu yaalay karasharkii dawladii Soomaaliya kaas oo hoos taga wasaarada hawlaha guud, dhulkaasna xaafada ayaa u baahan in looga faa,iideeyo, waxaana la sheegayaa in wasiirka hawlaha guud uu soo wado warqad uu ku fasaxayo dhulkaas, iyada oo nimanka la siinayaana aanay u haysan wax sharci ah, maanta wixii halkaas ka dhaca iyo wixii dhibaato ah ee ka yimaada ninka Cali Mareexaan la yidhaa ayaa aabo u noqonaya, mana jirto cid aanu dhulkaas u ogol nahay maadaama oo aanan lahayn goobo adeega bulshada noo qabta.”:

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan xaafada Cabdi Iidaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay marna ogolaan doonin in dhulkaas danta guud ah lagu wareejiyo ganacsato gaar ah, waxaanay wasiirka hawlaha guud u soo jeediyeen inuu faraha ka qaado dhulkaasi.

 

Bulshadan ayaa inkastoo aanu wasiirka hawlaha guud ka jawaabin eedaha ay u jeediyeen, haddana waxay noqonayaan hormadii afraad ee 10 maalmoog gudahood wasiirka ku eedaysa boobka dhulka danta guud.