Xogo Run Ah Oo Laga Yaabo In Aanad Hore Uga Aqoonin Dalka Iyo Dadka Faransiiska

0
946

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Huffington Post qaybtiisa afcarabiga ku soo  baxda ayaa qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa uu ku soo bandhigay xaqiiqooyin la xidhiidha dalka Faransiiska, oo aanay ka warqabin inta badan ee dalalka dunida iyo xitaa dad badan oo Faransiiska gudihiisa ku nool.

–  Magaalada Baariis oo ka mid ah caasimadaha ugu magaca dheer uguna sumcadda fiican dunida oo dhan, waxaa ku yaalla hal ishaaro (Laydhka kala haga gaadiidka) oo keliya.

– Faransiiska sharcigiisu waxa uu bannaynayaa in qofku uu guursan karo qof mayd ah, laakiin haddana waxa uu ku xidhayaa shardi qosol badan oo guurkaas suurtogalnimadiisa meesha ka saaraya. Shardigaasi waa in qofka doonaya in uu mayd guursadaa uu marka hore codsi u qorto madaxweynaha jamhuuriyadda Faransiiska, kadibna uu ka aqbalo.

– Dalka Faransiiska boqorradii soo maray waxaa ka mid ahaa boqor Luwiis Antooniya oo talada dalka Faransiiska kala wareegay aabihii in in uu xilkaas boqornimo hayey 20 daqiiqo oo keliya.

– Magaalada Baariis ee dalka Faransiiska waxaa ku taalla maqaaxi caan ah oo lagu magacaabo Fara. Haddii aad maqaaxidan ka dalbato bun oo marka aad dalbanayso hadalkaaga ku dhex darto kelmadda codsiga ah ee ‘Fadlan’ Tusaale ahaan ‘Fadlan koob bun ah ii keen’ aad tidhaahdo, waxa ay maqaaxidu qiimo dhimis kugu samaynaysaa dalabkaaga.

– Dawladdii dunida ugu horreysay ee soo rogto in baabuurta lagu dhejiyo sumad tiro ah (Taariko) waxa ay ahayd dalka Faransiiska.

– Dalka Faransiiska waxaa ka jira sharci mamnuuc ka dhigaya in doofaar loogu magac daro hoggaamiyihii dalkaas  soo maray ee Napoleon. Laakiin dadka doofaarka dhaqaa magacyada kale kii ay doonaan ayaa ay u bixisan karayaan.

–  Biriisha ugu horreeyey dalka Faransiiska waxaa lagu magacaabaa, ‘Biriishka cusub’ sidaa awgeed dadka aan taariikhdiisa haynin marka ay maqlaan magaciisa waxa ay u qaataan in biriishyo kale ka horreeyeen oo sidaas cusaybka loogu sheegay.

–  Taariikhda Faransiiska muddo ka badan 200 oo sano waxaa sharci darro ahaa in dumarku marka ay meelaha fagaareyaasha iyo bulshada dhexdooda ah u soo baxayaan ay ku labbistaan surwaal.

– Dadka Afka Faransiisku yaha yafkooda rasmiga ah ee Afrikaanka Afrika ku nool ah ayaa aad uga tiro badan, guud ahaan dadka ku nool Qaaradda Yurub oo dhan eek u hadla Afka Faransiiska.

– Magaalada Baariis marka aad doonayso in aad qaadato rukhsadda wadista tagaasida dadweynaha laga kireeyo, ama guud ahaa gaadiidka dadka laga kireeyo, waxaa shardi ah in aad bixiso lacag ku dhow 235 kun oo doolarka Maraykanka ah. Sababta sharcigaas loo adkeeyey ayaa ah in si loo adkeeyo nabadgelyada iyo ammaanka dadka gaadiidka laga kiraynayo ay qasab tahay in la adkeeyo rukhsad bixinta.

– Dalka Faransiiska celcelis ahaan dadkiisu waxa ay seexdaan 9 saac maalintii, waana dalka saacadaha ugu badan laga seexdo habeenkii dunida oo dhan.